arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Bill Clinton oo Noqday Madaxweynihii Ugu Horreeyay ee Mareykan ah oo Sheeko Xiiso Badan Ka Qora Madaxweynenimada

Waxaa la filayaa in madaxweynihii hore ee Mareykanka Bill Clinton uu daabaco sanadka soo aaddan ruwaayaddiisii Koowaad oo uu kaga hadlayo madaxweyne la waayay, iyadoo uu kala qoybgalayo qorista ruwaayaddan mu’allifka weyn ee James Patterson.

Sida ay qortay jariidada New York Times, ruwaayaddan ayaa soo bixi doonta sanadka soo aaddan, waxaa taa barbar socda musalsal laga sii dayndoono janalka ShowTime oo laga matalayo ruwaayadda.

Ruwaayaddan ayaa lagu jilayaa dhacdo layaab leh  oo ka dhacaysa gudaha Aqalka Cad ee Mareykanka kadib markii marqura laga waayo madaxweynaha Mareykanka, isla markaana meelna lagu sheegi, arrintaas oo isku dhexyaac badani ka dhalanayo. Ruwaayadda ayaa cinwaankeeda la yiraahdaa “Madaxweynihii la waayay”. Waxaan lagu dhisay macluumaad uu bixiyay Clinton oo ku saabsan faahfaahinta xilkii uu qabtay inta u dhaxaysa 1993-2001.

Ruwaayaddan ayaa sida qorsheysan la siidaynayaa  Juun, 2018, iyadoo ay noqotay markii ugu horreysay ee madaxweyne Mareykan ah uu ka qeybqaato qoraalka ruwaayad sidan oo kale u xiiso badan.

Clinton oo hadda 71 jir ah ayaa yiri: “Aadbaan ugu raaxaystay qoraalka buuggan iyo inaan la shaqeeyo Jim. Ma sugu karo illaa inta ruwaaddan laga soo daynayo Showtime.”, iyadoo ay jirto in janalka Showtime aanuu wali sheegin actors-ka ruwaayadda matalaysa amaba xilliga musalsalka lasii dayn doono.

Maandeeq FM

Related Articles

Close