WararkaWaxbarashada

Cilmibaaris: Si aad U Noqoto Billionaire Waa Inaad Barato Labadan Mihnadood ee Muhiimka ah

Haddii aad dooneyso in aad noqoto bilyoneer waxaa arrintaasi kuu damaanad qaadaya inaad barato cilmiga injineeriyadda iyo wax-iibinta, sidaasi waxaa yiri Aaron Wallis Sales Recruitment oo ah shirkad laga leeyahay dalka Britain.

Cilmibaaris ay sameysay shirkaddan ayaa waxa ay baaritaan ku sameysay liiska Forbes ee lagu diiwaangeliyo dadka ugu hantida badan dunida iyada oo diiradda saareysay waxa ay jaamacadaha kasoo barteen, shaqooyinkii ugu horreeyay ee ay qabteen iyo sida ay hantida ku yeesheen.

Cilmibaarista ayaa soo ogaatay in 75 ka mid ah 100-ka qof ee ugu taajirsan dunida ay dhigteen sidoo kalena dhameeyeen jaamacad, 22 ka mid 75-ta waxa ay barteen injineeriyadda.

Waxaa kale oo ay cilmibaarista soo ogaatay in 19% 100-ka qof ee dunida ugu tantida badan ay shaqadii ugu horreysay ee ay ka shaqeeyeen ay aheyd iibiy ama sales person, halka 17% ay ahaayeen dadka saamiyada gada, halka 17% kamid ah ay ganacsi ay iyaga leeyihiin bilaabeen.

Halkan hoose ka fiiri shanta degree ee ugu badan ee ay sameeyeen 100-ka qof ee ugu hantida badan dunida:

1.  Engineering – 22 qof ayaa bartay

2.  Business – 16 qof ayaa bartay

3.  Finance and Economics – 11 qof ayaa bartay

4.  Law – 6 qof ayaa bartay

5.  Computer Science – 4 qof ayaa bartay

Shantan shaqo ayaa ah shaqoooyinkii ugu horreysay ee inta badan ay ka simanyihiin 100-ka qof ee ugu hantida badan dunida.

1.  iibiye/salesperson — 10  kamid ah ayey u aheyd shaqadii ugu horreysay

2.  Saami iibiye/stock trader — 9 kamid ah ayey u aheyd shaqadii ugu horreysay

3.  Software developer — 5 kamid ah ayey u aheyd shaqadii ugu horreysay

4.  Engineer — 5 kamid ah ayey u aheyd shaqadii ugu horreysay

5.  Falanqeeye maaliyadeed/ Analyst — 4 kamid ah ayey u aheyd shaqadii ugu horreysay

 

Xigasho: Goobjoog Business oo ay Bahwadaag yihiin Maandeeq FM

Related Articles

Close