arrimaha bulshadaCaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Cilmigu Muxuu Ka Yiri Kalluunka oo Caano Lagu Cabo… Ma Dhibaato Caafimaad ayaa Laga Dhaxlaa?!

Waxaa shaki la’aan ah inaad maqashay talooyin badan oo lagaaga digayo in caanaha iyo kalluunka aad kala ilaaliso, iyo marka aad kalluun cunto ugu yaraan 12-saacadood inaad iska ilaali caanaha, haddii kalena aad la kulmi doonto dhibaato caafimaad oo ugu horreeyo cudurka Vitiligo ee haragga jirka bedela.

Hadaba, maxaa ka jira arrimahaa ay dadku ku sheekaystaan ee caanaha iyo kalluunka iska khuseeya.

In badan oo ka mid ah khubarada caafimaadku waxay leeyihiin ma jirto wax cilmibaaris ah oo loohayo oo sheegashada dhibaatooyinka caafimaad ee caanaha iyo kalluunka oo wada socda, sidaas oo kale lama hayo qof inta uu caano iyo kalluun isku cunay ku dhintay ama u geeriyooday arrintaa darteed.

Waxaaba jirtaa raashin badan oo aad dadku u jecelyihiin oo si wadajir ah loogu diyaariyo kalluunka iyo caanaha, in badan oo ka mid ah wadamada ku yaalla xeebaha kalluunka laga helo waxay ku karisadaan caanaha, dhibaato caafimaadna haba yaraatee laguma arag; waxaaba lagu dhargaa iyadoo  Calories ku yar yahay.

Tusaale ahaan, cuntada ay caanka ku tahay Badda Mediterranean-ka oo loo aqoonsan yahay iney tahay tan ugu wanaagsan uguna caafimaadka badan dunida, waxay ka kooban tahay Kalluun, Caanyo, xubuub, dufan iyo nuts.

Caafimaad dhaqameedku  Muxuu ka aamisan yahay arrintan?

Haddii aan eegno dhanka caafimaad dhaqameedka ee Hindidii hore oo ku dhisan mabda’a ka hortaggu waxa uu ka fiican yahay daaweynta, waxa uu aaminsanaa in la kala ilaaliyo caanaha iyo kalluunka oo ah labo maaddo oo midi qabow leeyahay waa caanah, halka kan kalena tamar uu dhaliyo waa kalluunka oo mark ay marqura wada kulmaan gudah jirka isku diidaya.

 Dr. Tabasia Mudra oo cilmiga nutritionist bartay oo dagan Delhi ayaa sheegay in caanuhu yahay maaddo qaboojisa jirka, halka kalluunku yahay il tamareed oo jirku uu tamar ka helo, sidaa darteed waxaa isdiiyay Labadaa arrimood oo markii jirku mar qura wada galaan ay sameyn taban ku yeelanayaan jirka.

Faa’iidooyinka Kalluunka iyo Caanaha

Caanaha waxaa loo aqoonsan yahay inuu yahay cunto lafaha lagu koriyo; waxaa ku jira Calcium laga maarmaanka u ah caafimaadka lafaha iyo ilkaha, waxa ku badan Borotin lagama maarmaanka u ah jirka, waxaa laga helaa bakteeriyada uu u baahan yahay dheefshiidka oo hoos u dhigta acid ka xiidmaha caloosha.

Kalluunkuna waxaa ku badan Borotinka, waxaa laga helaa foosfoorska, calcium iyo omega-3 oo la dagaalama kolostarolka xun ee xidada dhiigga xira.

Maandeeq FM

Related Articles

Close