arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Daraasad: Naadiga Arsenal oo Noqday Kan Loogu Aflagaadeynta Badan yahay Dhanka Baraha Bulshada

Naadiga Arsenal ee ka dhisay gudaha Ingiriiska ayaa noqday naadiga ugu badan ee ay taageerayaashiisu ka aflagaadeeyaan dhanka baraha bulshada ee bishii lasoo dhaafay.

Daraasaddan oo ay sameeysay barta “Two thing to say”, laguna faafiyay warbaahinta maxalliga ah ee gudaha Ingiriiska ka dhisan, ayaa lagu sheegay in naadiga Arsenal bartiisa Twitter-ka uu kala kulmay 1841 cay iyo aflagaado iskugu jirta oo dadka bartaa ku xiran ay hawada u mariyeen.

Daraasadda ayaa intaa raacisay in naadiga Labaad uu yahay Liverpool oo 1207 farriimood oo naadiga lagu aflagaadeynayo kala kulmay barta Twitter-ka, waxaa kaalinta saddexaad soo galay naadiga Chelsea oo la kulantay 792 farrimood oo aflagaaddo ah oo dhanka taageerayaashiisa ah.

Waxaa iyadana fiiro gaar ah mudan naadiga Barcelona ee ka dhisan gudaha dalka Spain oo guulo is daba joog ah gaarayay isbuucyadii lasoo dhaafay ayaa taageerayaashu u soo diray farriimo aanuu naadigu ku farxin oo gaaraya illaa 511 fariimood.

Naadiga Bayern Munich ayaa la kulamay 27 farriimood oo kaliya oo naadiga lagu dhaliilayo taas oo ka dhigan sida ay jamaahiirta kooxdu ugu qanacsan tahay nidaamka shaqo ee kooxdooda.

Inta badan farrimaha cayda ah ee naadiyada lala beegsanayay ayaa la xiriirtay saxiixyada ay sameeyeen, laacibiinta ay iska fasaxeen iyo guuldarrooyinka lasoo gudboonaaday, iyo sida ay u dhaliilsan yihiin taktikada ay macallimiintoodu ku soo ciyaartagaan oo aaney la dhacsaneyn.

Maandeeq FM

Related Articles

Close