WararkaWaxbarashada

Kulliyadda Culuumta Badda ee Khaliif Macow oo Lagu Soo Kordhiyay Takhasusyo Cusub

Hay’adda Cilmibaarista culuumta badda Soomaaliya oo ay hoos timaaddo kulliyadda culuumta badda ee Khaliif Macow ayaa soo kordhisay takhasusyo cusub oo uu ka mid yahay culuumta farsamada maraakiibta.

Sida ay sheegayso wakaaladda Wararka SONNA , kulliyadaha ay soo kordhisay Hay’adda Cilmibaarista Badaha Soomaaliya oo ay kamid yihiin sharciga badda,  farsamada maraakiibta sida sheegay Admiral Faarax Axmed Cumar “Faarax Qare” oo ah guddoomiyaha hay’adda oo xiligan dalku baahi badan u qabo, hadii la xoojiyana ay sahleyso in laga baxo caqabado badan oo ka taagan dhinaca badda.

Wasiir ku xigeenka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Cismaan Maxamed Cabdi Daalo ayaa tilmaamay in ardayda baraneysa kulliyadahaasi ay heystaan fursado wanaagsan oo ay tahay in ay ka faa’iideystaan.

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Drs Maryan Aweys Jaamac ayaa muujisay in wasaaraddu ay ku howlan tahay diyaarinta qorshayaal horumarineed oo dhinaca badda la xiriira.

In la helo dad bartay cilmiga iyo sharciyada badda ayaa sahlaya in la yareeyo xadgudubyo iyo kaluumeysi sharci darrada ah ee lagu hayo Kheyraadka baddeena.

Si kastaba, badda Soomaaliya ayaa noqotay goob aan cidina ilaashan oo maraakiibta shisheeye ay siyaabo kala duwan oo sharcidarro ah uga kalluumeystaan, iyadoo ay taa kasii daran tahay iney noqotay qashinqubka  dowladaha dunida oo haraadiga warshahooda ee suntan ah kusoo daadiya.

Maandeeq FM

Related Articles

Close