arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Somaliland: Aqoonyaha Xisbi Siyaasadeed oo uu Ku Biiray Darteed Xabsi Loo Dhigay

Prof. Maxamed Faarax oo ka tirsan Aqoonyahanka Somaliland ayaa fikirkiisa siyaasadeed iyo xisbi mucaarad ah oo uu ku biiray dartee loo xiray.

Prof. Maxamed Faarax Cawaale oo warbaahinta kala hadlay dhacdadan lagu xiray ayaa sheegay in uu yahay qof aqoonyahan ah xisbiga uu ra’yigiisa u arko uu ku biirayo:

“Magaceygu Waa Prof. Maxamed Faarax Cawaale, waxaan ka mid ahaa aqoonyahankii kusoo biiray xisbiga Waddani habeen hore, nin waliba ra’yigiisa iyo muwaadinimadiisa iyo aqoontiisa ayuu xisbiga uu doono ku galaa, muwaadin baan ahay reer Somaliland ah oo aqoonyahana xisbiga aan doono ayaan galayaa cidna uma joojinayo. Laakiin waxan dhacay waxay ahaayeen waxaan aad iyo aad ula yaabay.”

Waxa uu ka hadlay dhacdadii lagu soo qabtay iyo in hanjabaad loo geystay iyadoo uu arrintaa ku eedeeyay xisbi al-xaakimka Kulmiye iyo wasiirka waxbarashada oo ay isku reer yihiin:

“Waa la iraadinayay wasiirkii waxbarashada oo aad isku qolo tihiin baa ku raadinaya ayaa la igu yiri, odayaal baa la ii soo diray aan isku beel nahay, waxaan u sheegay ninkaasi waa wasiir aniguna sharaftayda iyo karaamadeyda xisbiga aan doono ayaan ku biirayaa. Shalay abbaaro Seddaxdii galabnimo markii ay ahayd, ayaa gurigii aan dagganaa waxaa yimid illaa 8 askari oo hubeysan oo ciidanka booliska ka tirsan, iyadoo hanjabaadi jirto ayaa saldhiggaa la igeeyay, taliyaha saldhigga ayaa ii shaagay iney beeshaydu isoo xidhay. Odayaasha beeshu cidna xaggaa mar ma oran karaan xaqna uma laha, cidda ka dambeysana waan garanayaa oo waa wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Cabdullaahi Axmed Habane.

Waxa uu tilmaamay in markii dambey taliyaha booliska qeybta uu soo daayay kadib markii uu taliyaha la wadaagay sababta uu u xiran yahay iney tahay mid siyaasadeed iyo inuu xisbiga Waddani ku biiray.

Ugu dambeyn, Waxaa si aad ah maalinba maalinta ka dambeysa usii xoogeysanaya ol’olaha doorasho ee Axsaabta kala duwan ee Somaliland ay ku hardamayaan, iyadoo muddo 60 cisho ka yar ay ka harsan tahay doorashadii madaxtinimo ee maamulka.

Maandeeq FM

Related Articles

Close