WararkaWaxbarashada

Sawir Si Khaldan loogu daabacay Manaahjita Sucuudiga oo Wakiillo Badani ay Shaqadoodii Ku Waayeen

Sawir si khaldan loogu daabacay manaahijta Sucuudiga ayaa wakiillo badan oo ka tirsan shaqaalaha wasaaradda waxbarashada ay shaqadoodii ku waayeen.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Sucuudiga  Axmed binu Maxamed al-Ciisa ayaa soo saaray go’aanno uu shaqada kaga joojinayo wakiilkii wasaaradda Waxbarashada ee dhanka manaahijta iyo barnaamijka barbaarinta Dr. Maxamed binu Cadiya al-Xaarithi, waxaa sidaas oo kale shaqadii uu ka joojiyay guddigii u xilsaarnaa dib u eegista muqararaadka manaahijta iskuulaadka, mas’uuliyiinta wakaaladda Manaahijta Sucuudiga iyo barnaamijka barbaarinta sida ay u dhan yihiin, gabi ahaabana laga cayriyay shaqadii ay hayeen.

Go’aannadana ayaa ka dambeyay kadib markii si khalad ah loogu daabacay sawir buugaagta muqaraadka iskuullada qaarkood oo lagu arkay sawirka Boqor Faysal oo la sawiran “Yoda”, waxaa taa sii dheer  khaladaad kale oo sanadkan laga helay muqaraadka ardayda iskuulaadka.

Wasiirka Ciise ayaa daabacadda iyo dib u eegista manaahijta u xilsaaray shirkad “Horumarineed” oo adeegyada waxbarashada ka shaqeysa, waxaana uu guddi uu madax u yahay wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Dr. Cabdiraxmaan binu Maxamed al-Caasimi, xubnana ay ka yihiin wakiil ka tirsan wasaaradda qorsheynta Sucuudiga,  agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada iyo maamulaha guud ee shirkadda horumarinta adeegyada waxbarashada, maamulaha guud ee hay’adda khayraadka aadanaha, guddigan ayaa loo xilsaaran iney dib u habeyn ku sameeyaan wakaaladda Manaahijta iyo barnaamijyada barbaarinta iyo adeegyada bulshada.

Maandeeq FM 

Related Articles

Close