WararkaWaxbarashada

293 Arday Oo Ka Qalinjabisay Waxbarashada Darajada Koowaad Iyo Labaad Ee Jaamacadda New Generation

Munaasibadda lagu sagootinayay ardayday dhameystay Jaamacadda New Generation oo iskugu jirtay darajada Koowaad iyo tan labaad ee Masters-ka ayaa lagu qabtay magaalada Hargeysa.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeybgalay maamulka Sare ee jaamacadaasi ,xubno ka socday xisbiyada Somaliland, salaadiin,Waalidiin iyo Arday.

Guddoomiyaha Jaamacadda Cabdi Waasac Yuusuf Maxamed,  New Generation oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay ardayda la sagootinayo waxyaabaha ay barteen iyo darajooyinka ay kala yihiin, waxa uu sheegay in ardayda qalinjabineysaa ay iskugu jiraan heerarka kala duwan ee koowaad iyo labaad ee Masters degree.

Guddoomiyahu waxa uu u hambalyeeyay ardayda qalin-jabineysay ee 293-ka gaareysay:

“Waa qalinjabinta ardayda jaamacadda New Generation ee degree program ka iyo dufcaddii Koowaad ee Master Program ka, xafladda qalinjabintu waa maalmaha waaweyn oo aan leenahay, si aynu ula ciidno arday dadaal kadib dhameysatay waxyaabihii looga baahna si ay u helaan shahaadadii ay jaamacadda, waxaa la joogaa maalintii aan idinkula iidi lahayn guusha aad gaadheen waxbarashada waxaanan idin leeyahay habmalyo.”

Xubno ka tirsan xisbiyada Somaliland iyo Salaadiin ayaa bogaadiyay ardayda qaatay Darajooyinka Koowaad iyo labaad ee heerka Jaamacadeed,iyaga oo u rajeeyay in cilmiga ay barteen ay ku nafciyaan.

Ardayda la sagootiyay ayaa noqoneysa ducfaddii shanaad ee darajada Bachelorka qaadata iyo tii koowaad ee Masters Degree ah ee ka qalin badelata jaamacadda News Generation ee Somaliland.

Maandeeq FM

Related Articles

Close