WararkaWaxbarashada

Axsaabta Siyaasadda Somaliland oo Loogu Baaqay Inaan La Siyaasadeyn Waxbarashada

Axsaabta siyaasadda Somaliland ayaa loogu baaqay inaaney waxbarashada siyaasadeyn kadib markii maalihii dambe ay soo baxeen eedayn Axsaabta qaar ay u soo jeedinayaan Wasaaradda Waxbarashada oo ah iney la lunsaday mushaarkii macallimiinta in muddo ah oo aan la bixin.

Aadan Axmed Cigaal oo ah maamulaha dugsiga hoose dhexe ee Maxamed Mooge oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay in bil kasta 25-da ay qaataan mushaarka haddana ay qaateen mushaarkii oo horumaris ah:

“Anigoo ah maamulaha dugsiga hoose dhexe ee Maxamed Mooge, waxaan imika qaadaneynaa mushaarkii bishan September, waa 25 bishu, mushahar naga maqan amba ku maqan maaliyad iyo meel kale nagaga maqani ma jiro, mana wanaagsana in saxaafadda been laga sheego, in borobogaando la galiyo 4 bilood baa mushaar ka maqan, waxaan caddeynaynaa in wax naga maqani aaney jirin, waxaanu ka codsaneynaa xisbiyada inaan la siyaasadeyn Wasaaradda Waxbarashada, waa ubadkeenna waa ubaxeenna waa kuwii barri ina bedelayay.”

Ismaaciil Aw-jibriil Taani oo macallin gudaha magaalada Hargeysa ka howlgala ayaa dhankiisa sheegay in uu ku baaqo in waxbarashada iyo siyaasadda la kala saaro:

“Waxaan ka mid ah macallimiinta ka howgasha gobolka Maroodi Jeex qeybta galbeed, waxaan hadda joogaa waaxdii lacagta lagu bixinayay ee gobolka, waxaan dadka u caddeynayaa inaana bil kaliya 25 inta ka dambeysa aanan mushaar qaadan, hadana ay bulshadu arkayso mushaarkaayagii oo aan gacanta ku haysanno oo lana siinayo, waxaan ku baaqayaa in dadku ay waxbarashada ka daayaan siyaasadda maadaam ay tahay aasaaskii bulshada.”

Ugu dambeyn, Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa Kulmiye ku eedeeyay waxqabad uu soo kordhiyo is daaye in shaqaalihii waxbarashada aan mushaarkoodii la siin muddo 6 bilood ah, taasina ay dhalisay iney macallimiin badani ka falceliyaan oo ay kasoo horjeestaan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close