CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Dunida oo Rajo Fiican Ka Qabta In AIDS la Daweeyo 2018

Culumada dhanka sayniska ayaa sameeyay dawo antibiotic ah oo weeraraysa 99% taranka virus-ka HIV suurogalna ka dhigaysa in uu ka hor tag u noqoto ama lagu daweeyo.

Antibiotic-gan ayaa loo horumariyay inuu weeraro 3 qaybood oo muhiim u ah fayruuska, taas oo ka dhigaysa mid aanuu iska celin karin raadka dawadu ay leedahay oo markasta ka adkaaneysa.

Marshuurcan ayaa waxaa hirgalay iskaashi mac’hadyada wadaniga ah ee cilmibaarista Mareykanka iyo shirkadda daawooyinka ee Sanofi.

Ururka caalamiga ah ee  AIDS oo arrintan ka hadlay ayaa soo dhaweeyay waxaanuu yiri: “Waa tallaabo bilow wanaagsan ah”, tijaabadan dawada cusub ee dhanka aadanaha ayaa bilabaneysa 2018, iyadoo la eegayo  suurtagalnimada in dawadu cudurka ay ka hortagto iyo iney ay daweyso.

Dr. Gary Nabel oo ah guddoomiyaha culumada Sanofi ayaa xusay in antibiotic-gu awood u leeyahay inuu weeraro 90% taranka Fayruuska  beegsada habdhiska difaaca jirka.

Tijaabo lagu sameeyay 24 daanyeer oo dawada si ka hortag ah loo siiyay ayaa dhammaantood lagu guuleystay oo midna wax cudur ah kumuu dhicin.

Culumada sameynta dawadan ka qeybgalay ayaa waxaa ku jiray kuwo ka tirsan jaamacadda Harvard, mac’hadka cilmibaarista Scripps iyo mac’hadka Massachusetts ee technology-adda.

Tijaabada sariirta ah ee bukaanka cudurku hayo ayaa bilaabaneysa sanadka soo aaddan 2018.

Xigasho: BBC

Maandeeq FM

Related Articles

Close