WararkaWaxbarashada

Magaalo La Weysanaa Muddo 2000-sano ah oo La Helay

Culumo British ah oo ku takhasustay archaeologists-ka dhulka ayaa daaha ka rogay baaris ay ku sameeyay sawirro ay qaadday diyaarad Drones ah, magaalo oo uu dhisay Alexander the Great waqooyiga dalka Ciraaq, taas oo la weysanaa muddo 2 kun oo sanno ah.

Sida ay daabacday jariidada Times, culumada ayaa magaalada gartay xilli ay baaritaanno ku wadeen sawirro uu qaaday dayax gacmeed uu Mareykanku leeyahay Lixdamaadkii Qarnigii lasoo dhaafay oo in muddo sir ahaa illaa 1996.

Waa magaalo dhufays adag leh qalcado dagaal iyo beero badan loo sameeyay, taas oo aaney taariikhdu diiwaangelin illaa ay culumadani British ka ah ay heleen haraadigeeda iyagoo adeegsanaya diyaarad yar oo nooca duuliye aan lahayn ee “Drones-ka”.

Magaaladan Taariikhiga ah ayaa waxay ku taallaa meel u dhaw Sulaymaniyah oo ku taalla gobolka Kurdistan, gaar ahaan dhana waqooyi-bari badda Dokan oo u dhaxaysa Erbil iyo Sulaymaniyah.

Sida jariidada Times ay xustay culumadan British-ka ah ayaa Ciyaaqiyiin u tababaraysa in la badbaadiyo goobaha taariikhiga ah ee Kooxda Daacish ay gacantooda ku burburiyeen.

Maandeeq FM

Related Articles

Close