arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Muwaadin Polish ah oo Faras Dushii Safar Dhanka Dhulka ah Ugu Socdaalay Magaaladda Makka!!

Muwaadin Polish ah oo dalkiisa kasoo dhaqaaqay 9 bilood ka hor safarna ku soo maray dalka Turkiga isagoo faraskiisa saaray, ayaa u jihaysta dhanka magaalada Makka al-Mukarama iyo madiina al-Munawara isagoo doonaya inuu Islaamka waxbadan ka barto.

Muwaadinkan Polish-ka ah ayaa haysta diinta Kiristanka, laakiin waxa uu aad u yaqaannaa Qur’aanka, waxaanuu jecelyahay inuu booqdo magaalooyinka barakaysan ee Makka al-Mukaramah iyo Madiina al-Murawarah si uu si dhaw u barto diinta Islaamka.

Ninkan Polish-ka ah ayaa saxaafadda u sheegay: “Waxaan soo baxay 9 bilood ka hor oo aan kasoo dhaqaajiyay Poland, waxaan booqday gobollo badan oo Turkiga ka tirsan inta aan safarkan ku gudo jiray, maanta waxaan gaaray Adi Yaman, si aad ah ayaana la iigu soo dhaweeyay, waxaan ku waajahanahay Qudus, markaa kadibna waxaa uga sii amba baxi doonaa magaalooyinka Makka al-Mukarama iyo Madiina al-Munawarah.”

Maandeeq FM

Related Articles

Close