arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Waa Kee Kursiga Ugu Ammaanka Badan ee Diyaaradda Laga Raaco?

Iyadoo ay jirto in daraasado cilmiyeed oo farabadan laga sameeyay in diyaaraddu tahay tan ugu ammaanka badan marka loo eego gaadiidka kale ee safarka, ayaa hadana marnaba waxaan rakaabka diyaaradda ka baxayn niyadooda dareenka ah in diyaaraddu khatar badan tahay.

Daraasad uu horey usameeyay mac’hadka  Massachusetts Institute of Technology ayaa sheegaysa in qofka rakaabka ah ee diyaaradda raaca suurtagalnimada ah inuu la kulmo dhacdo shil diyaaradeed ah oo ay ku qaadaneyso inuu si maalinle ah muddo 123 kun oo sano ugu safro diyaarad dusheeda. Iyadoo daraasaaddaasi ay tilmaamaysay in diyaaradda oo la raacaa ay tahay mid aad u ammaan badan.

Dhanka kale, warbixin kasoo baxday Aviation Safety Network ayaa lagu sheegay in sanadkii hore ee 2016 waxaa dhacday 19 shil diyaaradeed ah oo ay ku geeriyoodeen 325 qof, iyadoo saami ahaanna ay noqotay 10,769,230(Toban milyan, todob boqol lixdan iyo sagaal kun, labo boqol iyo soddon) xaaladood oo kasta uu hal qof oo raakaab ah geeriyooday.

Hadaba, cabsida farahabadan ee rakaab diyaaradaha raacaa intabadan waxay salka ku haysaa macluumaad khaldan oo ay ka daawadeen aflaamta ama ay ka dhagysteen wararka mararka dhifta ah ee diyaaradi soo dhacdo oo warbaahinta dunida oo dhani ay qaataan.

Sida ay sheegayso jariidada Telegraph kursiga ugu ammaanka badan ee la fariisto diyaaradda maaha sida ay dadka qaar iska dhaadhiciyeen oo ah agagaarka garbaha, waaba kuraasta ugu khatarta badan sida ay jariidadu tilmaantay. Goobta ugu fiican waa dhinaca dambe ee diyaaradda oo rakaabka xagga dambe fadhiya ay fursadaha dhanka badbaada uga badan kuwa VIP-da fadhiya ee lacagaha faraha badan laga qaado.

Tijaabo burburka diyaaradda laga sameeyay oo natiijadeeda lagu daabacay wargeyska “Popular Science” ayaa natiijadii kasoo baxday noqotay in safafka kuraaska ee ka fog dhanka albaabka diyaaradda ay yihiin dadka dhanka badbaadada ugu yar, halka 90% dadkii abaabada (ididda) ka agdha ay badbaadeen iyadoo ay diyaaraddi gabi ahaanba ay burburtay.

Ugu dambeyn, sanduuqa madow ee diyaaradda ayaa ah qeybta ugu ammaanka badan looguna talogalay inuu iska celin heer kul 1000 darajo ah, iyadoo la filayo sida sanduuqaas oo kale in aadanahana loo helo meel ammaan u ah.

Maandeeq FM

Related Articles

Close