WacyigelinWararkaWaxbarashada

9 Xirfadood oo Ay Adag Tahay Inaad Barato.. laakiin Saameyn Wanaagsan Ku Yeelanaya Noloshaada

Waxyaabaha u wanaagsan nafteenna intooda badan waa bilaash oo lacag maaha, laakiin taa macneheedu maaha inaaney barasho inooga baahneyn, waa arrimaha aan maanta ka hadleyno.

Waxaan ka hadleynaa xirfado ay adag tahay inaan baranno, laakiin nolosheenna si weyn wax uga bedelaysa oo aadan ka qoomameyn doonin: 

1 .Hurdadaada xakamee

Waxaa jira waxyaabo badan oo hurdadaada inaad xakameyso kuu diiday sida inaad jeceshahay dhafarka amaba aadan jeclayn inaad wakhti hore soo kacdo, laakiin marka aad huradada u sameyso wakhti, waxaad arki doontaa inaad dadka kale ka caafimaad badato kana hurdo macaanaato.

2 .Dadka kale la caadifood

Waad noqon kartaa qofka ugu taajirsan, kan ugu guulaha badan dhanka nolosha, laakiin haddii aadan noqon qof dadka kale la caadifooda oo la murugooda marka ay murugeysan yihiin ama la farxa marka ay faraxsan yihiin, waxaad ogaataa inaad tahay qof bulsho ahaan u fashilmay.

Inaad dadka kale dareenkooda la wadaagto oo aad awood u yeelato dareenka xaaladda ay ku sugan yihiin, waxay kaa dhigtaa qof guuleystay, waana astaan aaney ka maarmin dadka wax iibiya iyo kuwa ka sheeqaya adeegyada bulshada.

3 .Wakhtigaaga xakamee

Xakameynta wakhtiga waa xirfad aanuu ka maarmin qof kasta oo doonaya inuu nolosha ku guuleysto, ma jirta waddo qura oo cid kasta ku habboon dhanka xakameynta wakhtiga, qofka kaliya ee arrintaa karaa oo wakhtigiisa xakameeyo waa idaga.

4 .Garab weydiiso 

Waxaa dhici karta inaad aamisan tahay isku filnaanshiyihu inuu kaa dhigayo shaqaale wanaagsan oo aadan dadka kale u baahneyn. Inaad garab weydiisato shaqaalaha kale ee kaa khibradda badan waa laga maarmaan, ha u ekaan qof uu kibir ku jiro oo aan dadka kale u baahneyn, hadaba inaad barato habka garabka garabka loo weydiisto dadka kale, waa xirfad dad badan ku adag.

5 .Joogteyn

Marka aad ka shaqeynayso marshuur muhiim ah ama aad baraneyso luqad kugu cusub joogteynta ayaa ah tan kaliya ee kuu damaanad qaadeysa inaad guushaada sii wadaneyso, dadka intooda badan marka ay heersare gaaraan ayay shaqadii adkeyd iyo dadaalkii joojiyaan, inaad heerka sare kusii sugnaato waxa kuu damaanad qaadi karaa waa joogteyn oo qura.

6 .Naftaada Wanaagga ugu sheekee

Dadka kale waxay ku fakarayaan ee dhanka naftaada muhiim maaha, laakiin waxaa muhiim kuu ah daryeelka naftaada iyo inaad mar kasta wanaag ugu sheekayso, qofku inuu kalsooni heersare ah dhiso isla markaana waxtarkiisa uu ogaado waxbadan ayay u tahay, markaa inaad naftaada wanaagga ugu sheekayso waxay u horseedda tallaabadada kalsooni heersare ah.

7 .Baro xilliyada qaar inaad aamusto

Marka aad xanaaqsan tahay amaba aadan si fiican dareemayn, wax kasta oo afkaaga soo qabta ha dhihin, haddii aad sidaa sameyso gadaal ayaad ka qoomameyn doontaa, inaad afkaaga xirto wakhtiga ku habboon waa xirfadaha ugu muhiimsan ee ay waajibka tahay inaad barato.

8 .Dhageyso

Inta badan marka aad shaqada joogto mashquulka ayaa iska badan, inuu qofku saaxiib ama cid kale uu dhageysto fursad farabadan uma hayo, gaar ahaan marka ay talo doonayaan ama ay mushkiladi haysato, sidaa darteed ogow waxaa muhiim ah inaan dadka kale dhageysato oo waliba aad noqoto dhageyste wanaagsan, qofka aad dhageysanayo waxyaabihii uu kuu sheegay qeyb ka mid ah ugu soo celi.

9 .Isku dirka ka fogow

Waxa kuugu muhiimsan waa xiriirka aad dadka kale la leedahay, hadaba si aad u ilaashato waxaa waajib ah inaad run sheegnimo ku tilmaanaato si aad kalsoonida dadka kale u hanato, waxyaabaha ugu badan ee ay dadku kaaga kalsoonida baxaan waa dirdiraalenimada. Inaad isku dirka ka fogaato waxaa dhici karta iney xoogaa macluumaad aad heli jirtay ay kaa qarsoomaan ama saaxiibbo aad ku waydo.

Qof hadal kuu wada inaad tiraahdo arrimahaa inaan ogaado ma doonayo, marka ay cid kale khuseyso ama aad tiraahdo qof kale xantiisa inaga daa, waa arin adag, laakiin ogow kalsoonida ay dadka kale kugu qabaan ayaa sare u qaadeysaa.

Maandeeq FM

Related Articles

Close