arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Aljeeriya.. Waxa uu Dilay Iyadoo ay Arkayaan Caruurteeda iyo Ardaydii Iskuulka

Dhacdo argagax leh ayaa ka dhacday magaalada Annaba ee gudaha dalka Aljeeriya, kadib markii nin uu xaaskiisii hore uu middi ku dilay iyadoo ciyaalkii ay dhashay arkayaan iyo ardaydii iskuulka.

Haweenaydan ayaa isla markiiba ku geeriyootay goobta oo ahayd gudaha dugsiga Bouzaroura, halkaas oo caruurteedu ay wax ku baranayeen.

Dhacdadan ayaa keentay naxdin iyo argagax aad u weyn oo ay ardaydii iskuulku ay ka qaadeen, waxaana la isla dhexmarayay muuqaal laga duubay iyadoo hawenaydan ay naftu kasii baxayso. Halka ninkii dilka geystay uu isku dhiibay amniga.

Xigasho: Elkhabar

Maandeeq FM

Related Articles

Close