WararkaWaxbarashada

Maamule Iskuul: Usha Qofkii Mutaysta Ayaan Iska Leh

Sawirka maamule iskuul oo gobolka Sohaaj ee koonfurta Masar ah ayaa si aad ah looga hadalay hayay baraha bulshada, kadib markii maamulahaasi uu ushiisa la fariistay darbi ay ardaydu ka boodayeen si ay xiisadaha iskuulka ugu gabmbiyaan ugana dhuuntaan.

Jaariidada “youm7” ee gudaha dalka Masar kasoo baxda ayaa faafisay sawirkan, iyadoo qofkii sawirka soo qaaday oo u muuqda inuu arday ka tirsan iskuulka yahay, uu sheegay inuu sawirka qaaday kadib markii uu arkay maamulihii iskuulka oo fadhiya derbi ay ardaydu  ka boodayeen si ay uga baxsadaan xisadaha qaar.

Waxbarashada guud ee iskuulaadka Masar ayaa furmay Sabtidii lasoo dhaafay, ardayda ayaa caado leh inaaney waxbarashada daneyn saddexda maalmood ee ugu horreysa ee waxbarashada.

Maandeeq FM

Related Articles

Close