arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Markii Ugu Horreysay Taariikhda… Sucuudiga oo Dumarka u Ogolaaday Darawalnimada

Boqorka Sacuudiga Salman bin Abdul Aziz ayaa habeennimadii xalay soo saartay wareegto boqor oo ogaalanaysa in dumarku gawaadhidooda si iskood ah u kaxayn karaan.

Warkan oo qoraalkiisa lagu soo daabacay wakaaladda wararka Sucuudiga ee SPA, ayaa u qornaa sidan “Si wanaagsan haloo dhaqangeliyo xeerarka waddooyinka oo ay ku jiraan in ruqsadaha darawalnimada ragga iyo dumarka si isku mid ah loogu soo saaryo”.

Amarkan ayaa sheegaya in guddi heersare ah loo saaro oo ka baaraandaga arrinta, kuwaas oo ka tirsan wasaaradaha(arrmaha gudaha, maaliyadda, shaqadaha iyo horumarinta bulshada) si loo daraaseeyo arrimaha ku habboon ee lagama maarmaanka u ah fulinta sharciga.

Guddigan ayaa muddo 30 cisho ah kusoo jeedin doona talooyin iyadoo fulinta go’aankuna bilaaban doono 10.10.1439.

Maandeeq FM

Related Articles

Close