arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Maxaan u Dhibaateynaa Dadka aan Jecelnahay?

Ma xasuusataa markii kuugu dambeysay ee qof ku dhibaateeyo oraah ahaan ama ficil ahaan? ma qaraabadaada ayuu ahaa?

Website-ka Care2 ee arrimaha caafimaadka Nafta ku takhasusay ayaa lagu soo daabacay maqaal lagaga hadlayo sababta dadka aan jecelnahay aan u dhibaateynno, marka loo eego dadka kale oo aan u dabacsannahay.

Arrintan ayaa si isku mid ah dadka oo dhan ay u wada saameynaysa dhammaan daafaha kala duwan ee dunida, oo ay ku jiraa qoyska saaxiibada iyo cid kasta oo aad jeceshahay.

Hadaba, maxaan sidaa u sameynaa oo aan u dhibaateynnaa cidda aan jecelnahay?

Si su’aashaa aan uga jawaabno waxaan idiin soo gudbineynaa sababaha ugu caansan ee keenaysa in dadka aan jecelnahay si aad ah aan u dhibaateynno:

1 .  Xiriirka aan la leenahay oo aan wanaagsaneyn

Dadka aan jecelnahay waan ku xanaaqnaa inagoo arrimo goonni ah ka ilaalineyna isla markaana aan awoodin karin inaad dareenkeenna dhabta ah la wadaagno, waxa aan dhibsaneyno si ay nooga ilaaliyaan.

2 .  Ballanfuryada

Ballamaha aan la fulin dadbadan waxay ku noqotaa dhibaato waxayna dhaawacdaa xiriirka wanaagsan.

3 . Lamaanaha ugu habboon

Cilmibaarisyada la sameeyay intooda badan waxay sheegayaan in loo baahan yahay qofka aad lamaane ka dhigayso inuu noqdo/noqoto qof aad is fahmi kartaan oo aad isla jaanqaadi kartaan, haddii kale waxaad ku dhibaatoon doontaa xiriirka aad la wadaagtay qof aydaan is fahmi karin.

4 . Kalsoonida

Inta badan dadka sida aadka ah iskugu kalsoon waxay illoobaan edebta iyo akhlaaqda hadalka marka ay la hadlayaan qofka ay ku kalsoon yihiin,  oo dhaqanku waxa uu u bataa warka in la isku caddeeyo. waa tii la oran jiray waalidkaaga caantiisu waa jacayl uu kuu qabo, qofka uu ugu canaan badan yahayna waa qofka uu ugu jecelyahay.

5 . Xoriyadda shakhsiga

Qof kastaa waxa uu xaq u leeyahay inuu xor noqod, laakiin mararka qaar waxaa dhacaysa inaad aragto cid xoriyadaada dabarsa, oo kaa hor istaageysa wixii aad markii hore calaa-keyf u sameyn jirtay, taas oo keenaysa xiriirkii lagu dhibaatoodo, kadib markii uu waayo xoriyad badan oo uu haystay.

Si kastaba, ogow qof kasta oo ku dhibaateeyaa kuma necba, mararka qaar jacayl xad dhaaf ah oo uu kuu qabo ayaa  ka keenaysa kuleyl farbadan iyo inuu ku dhibaateeyo.

Maandeeq FM 

Related Articles

Close