arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Sawirro: Waxay Dib Ugu Laabteen Kuraastoodii Ay Wax Ku Baran Jireen 50sano Ka Hor!

Naasir al-Jidci, Axmed al-Nayif iyo 12 kale ayaa dib ugu laabtay kuraastoodii iskuulka ee ay 50 sano ka hor fariisan jireen oo ay wax ku baran jireen, iskuulka ku yaalla gobolka al-Zalfi oo horey loo oranjiray al-Mansuriya haddana loo bixiyay Ibnu-Khladuun ee gudaha dalka Sucuudiga.

14 kan oday ayaa fariistay kuraastii fasalka Lixaad, fikar uu hoggaaminayay Naasir Cabdiraxmaan al-Saalim oo janalka Alarabiya u sheegay inuu ku guuleystay isku keenidda 14 arday oo ka mid ahaa arday isku fasal ah oo ka mid ahaa 18 fasalka lixaadna wada dhigan jiray 50 sano ka hor.

Saalim waxa uu intaa sii raaciyay in 3 qof oo fasalkooda ah ay geeriyootay, Hal-qof uu ka cudur daartay, halka intii soo hartay ay arrintan aqbaleen, maalmulihii waxbarashaduna uu  fikarka soo dhaweeyay. “Waxaan soo booqannay qaar ka mid ah macallimiinteenna oo waayeel noqday, iyadoo ay nala socdaan mas’uuliyiin ka tirsan waxbarashada, waan soo sharafnay, kadibna waxaan si wadajir ah u aadnay iskuulka oo aan halkaa xisad ku soo qaadannay.”, ayuu yiri Saalim

“Waxaan fariisannay fasalkii, kuraastii sidii 50 sano kahor aan u fariisan jirnay, 1388 hijriyadda, iyadoo saddex arday ay naga maqnaayeen, Alle ha-u-naxariistee, iyo qof cudur uu naga reebay mooyaane.”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

“Waxba isma bedelin, waxaan isasoo xasuusinnay sanadkii, waxaan awoodi waynnay inaan dib ugu noqono riyooyinkeennii aan dooneynay inaan xaqiijinno, waxaan doonaynaan inaan fikirka gaarsiinno dadka hadda riyadooda ay gacanta ugu jirto isla markaana ka miro dhalinkara, iney fursadooda ka faa’ideystaan iyo iney riyooyinkooda ka miro dhaliyaan si ay ugu adeegaan waddoonkooda iyo muwaadiniintooda.”,ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Saalim.

Maandeeq FM

Related Articles

Close