arrimaha bulshadaWacyigelinWararkaWaxbarashada

5 Tallaabo oo Ubadka Ka Dhiga Kuwo Naftooda Ku Kalsoon

Dr. Mustafaa Abu-Sacad oo ah aqoonyahan ku takhasusay Cilmi-nafsi barbaarinta ubadka una dhashay dalka Moroco ayaa sharraxay 5 tallaabo ee ubadka ka dhiga kuwo naftooda ku kalsoon, tallaabooyinka ayaa si aad ah uga soo horjeeda dhaqanka dalkeenna ka jira ee ay waalidiintu u badan yihiin.

5 tallaabo ee lagama maarmaanka u ah iney caruurtu kalsoonidii loo baahanaa ay helaan waxay kala yihiin:

1 .Dareensii inuu howlwanaagsan hayo

2 .In Mas’uuliyad u dhiib

Waa tallaabo muhiim u ah noloshooda, waxaa muhiim ah inaan mas’uuliyado u dhiibto oo aad ku dhiirigeliso iney ka soo baxaan, kadibna aan ku abaalmarinno marka sidii loo baahnaa u fuliyaan.

3 .In la ixtiraamo

Ilmaha yar waxa uu u baahan yahay in la fahmo, la ixtiraamo, awooddiisana  iyo shakhsiyaddiisa lagu kalsoonaado.

4 .Inuu ammaan dareemo

Inuu ammaan dareemo jir ahaan, nafsi ahaan. Jir ahaan inaan la dhibaateyn, lagana ilaaliyo dhammaan xadgudubyada si kasta oo ay ahaataba, lama garaaci karo, lama handadi karo, lama dhirbaaxi karo, xitaa usha ugu yar laguma garaaci karo.

5 .Dareensii inuu yahay qof la jecelyahay

Dareensii inuu yahay qof lasoo dhaweynayo, la aqbalsan yahay, lana jecelyahay.

Si kastaba, talooyinkan ayaa ah kuwo muhiim ah oo ay ku talinayaan khubarada ku takhasusay dhanka barbaarinta ubadka, waalidka ku dhaqmaa hadhow ayuu gurandoonaa miraha uu ubadkiisa ku beerto.

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close