arrimaha bulshadaWacyigelinWararkaWaxbarashada

9 Khalad oo Kuu Diida Inaad Faqriga Ka Baxdo

In badan oo inaga mid ah waxay u socdaan iney hantiileyaal noqdaan, iyagoo mar un rajeynaya iney dhiisha faqriga tuuraan, laakiin waxaa dhacaysa inaan marar badan aan sameynno khaldaad si ula kac ah ama aan ahayn oo sababa inaan faqriga waligood aaney ka bixin.

Milyaneerka Steve Siebold , ayaa waxa uu ka digayaa khaladaad qofka ku haya faqriga inuu ka baxana u diida. Iyadoo cidina aaney ka warami karin mustaqbalka, laakiin waxaa habboon inaan khaladaadkan ku baraarugo.

hadaba halkan hoose waxaan idinku soo gudbineynaa 9ka Khalad ee kaa hor istaagaya inaad taajirto

1 .Kaydinta Lacagta oo kaliya ayaad ku fiican tahay

Kaydinta lacagta iyo uruurinteedu way u fiican tahay inaad hanti sameysato, laakiin maaha inaad  mashquul ku noqoto wax uruurin oo qura, waxaa ka muhiimsan inaad kordhiso dakhligaaga iyo ilaha aad lacagta ka hesho. Waxaa muhiim ah inaad u fakarto sida dadka taajiriinta ah oo kale oo marwalba sidii ay lacag iyo faa’ido u sameyn lahaayeen ay kaalinta Koowaad u tahay. Ka fogow inaad ka walwalsho lacagta dhigaalka oo qura, ku fakar inaad ilo badan oo dhanka dakhliga ah abuurato.

2 . Wali ma aadan bilaabin maalgeshi

Maalgashigu waxa uu lagama maarmaan u yahay inaad lacag abuurato, waxaana laga helaa xoriyad dhanka hantida oo cid kastaaba ay ku riyooto iney sameysato hanti u gaar ah oo ay ku shaqeysato. Hadaba haddii aad dooneyso inaad guuleysato bilow hadaba maalgashiga, mar kasta oo aad xilli hore maalgashi bilowdo waa arrin kuu wanaagsan, ogow dadka qaniga ah iney sanad walba ay maalgashadaan 20% dakhliga soo gala.

3 . Waxaad tahay shaqaale mushaar qaata

Qofka caadiga ah bil kasta waxa uu ku xisaabtamaa mushaar u go’an oo saacadaha uu shaqeeyo ama shaqada uu qabanayo ku xiran, laakiin dadka taajiriinta ah waa dad inta badan iskood u shaqeysta oo mashaariicdooda gaarka ah ka howlgala. Inaad qof kale u shaqeyso waa wadada ugu ammaanka badan ee bil walba aad wax la hubo heli karto, laakiin haddii hamigaagu intaa dhaafsiisan yahay oo aad dooneyso inaad noqoto qof taajir ah waxaa lagama maan maanta ah inaad abuurato mashaariicdaada gaarka ah.

4 . Waxaad iibsataa waxyaabo aad u qaali ah

Dadka agtooda caan kaga noqo mabaadi’daada iyo akhlaaqdaada aad leedahay, laakiin waxyaabaha aad iibsaneyso ee qaaliga ah waxba kuuma soo kordhinayaa, inaay faqiirtinimo kugu sii hayaan mooyaane.

5 .Qof kale ayaad dooneysaa inaad riyadiisa u rumeyso

Haddii aad dooneyso inaad noqoto qof guuleystay waa inaad qabato waxaad jeceshay, in badan oo inaga mid ah, waxay ku socdaan rumeynta riyooyin ay dadkale leeyihiin taasina waa khalad, sida inaad tihaahdo shaqadan inaan qabto Aabahay ayaa jeclaa sidaas ayaan u hayaa taasi waa khalad, khaldka kuma jira inaad waalidkaaga taladiisa qaadato, laakiin waxa muhiimka ah waa howsha aad qabaneyso inay tahay mid aad xiiseynayso, maadaama qofka la rabo inuu ka miro dhaliyaa uu adiga yahay.

6 . Khatar inaad u bareerto diyaar uma tihid

Qof kasta oo doonaya inuu horumar sameeyo waa inuu khatarta u bareero oo kheyr iyo khasaaraba uu ku tashado, in badan oo ka mid ah taajiriinta dunida waxay ka helaan iney khatarta u bareeraan.

7 . Hadaf cad oo nololeed ma lihid

Dadka hantiilayaasha ah waxay sameeyeen geesinimo badan, waayo aragnimo badan iyo dadaal aan kala go’ lahayn si ay u tiigsadaan halka ay rabaan ugu dambeynna way gaareen, hadaba haddii aadan lahayn yool cad oo nololeed oo aadan garaneyn sanad walba halka aad joogto, taa macneheedu waa inaadan faqri ka baxayn.

8 .Kharshaadka ayaad hor bixisaa ka hor dhigaalka

Haddii aad dooneyso inaad taajir noqoto, marka hore naftaada lagacta sii oo lacag meel dhigo kadibna waxii kharashaad ah ee lagama maarmaanka bixi. taa macneheedu waa inaad marka hore kayd iska dhigto, tusaale ahaan kaydso 10% dakhliga kusoo gala, lacagtaa aad keydsaneysana iska illow oo haku xisaabtamin wax kasta oo dhaca.

9 . Waxaad aaminsan tahay inaadan taajiri karin

Qofka caadiga ah waxa uu aaminsan yahay in lacagta iyo hantida ay helaan dadka nasiibka badan oo qura, laakiin sida dhabta ah casrigan aan ku jirno cidwalbaa si sahlan ayay ku taajiri kartaa waa haddii ay nafteeda aaminto.

Ugu dambeyn, wax mustaqbalka xaalku noqonayo cidina ma oga laakiin waxaa habboon inaad mar kasta naftaada horumariso si aad u gaarto halka aad tiigsaneyso.

Maandeeq FM

Related Articles

Close