arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Afar Xaraf oo Aaney Jeclayn Iney Xasuustaan Rakaabka Diyaaradaha Qaarkood

Tigitka diyaaradda lagu raaco waxaa ku qoran astaamo badan iyo xarfo aaney ku baraarugsaneyn dadbadani, laakiin shirkadaha diyaaraduhu ay si ula kac ah ugu daabacaan sababo amni darteed.

Xarfahan waxaa ugu caansan SSSS taas o ka dhigan qofka tigitka wataa uu baaritaanno dheeraad ah oo dhanka ammaanka ah uu mari doono airports-ka uu marayo iyo kan uu ku waajahan yahay, iyadoo ay dhici karto in xarfahaas si nasiib ah ama warbixinno hore oo lagaa hayay lagu saleeyo.

Xarfaha SSSS ayaa tilmaamaya in qofka Tikitka(Tickets) wataa uu yahay qof si gaar ah isha loogu hayo, si aad ahana la iska ilaalinayo amni ahaan ama caafimaad ahaan.

Xarfahan ayaa waxaa soo kordhiyay maamulka airports-ka Mareykanka, waxaana inta badan adeegsada diyaaradaha isticmaala hawada Mareykanka ee duulimaadyada tooska ah ku gaara dalkaasi, sida muuqatana adeegsiga xarfahana waxa uu ku kooban yahay dhanka ammaanka.

Hadaba,  haddii aad astaamahaa ku aragto tigitkaaga wax baqdin ah ha muujin maxaa yeelay cidina kuuma diidayso inaad diyaaradda korto, alaabta aad wadato unbaa hab gacmeed si xoog ah loogu baarayaa.

Maamulka amniga ee gaadiidka cirka Mareykanka ayaa sheegaya iney lagama maarmaan tahay in laka saaro dadka rakaabka ah halbeeg u goonni ahna lagu adeegsado, dad heer hoose ah oo khatartoodu yar tahay, kuwo kale oo khatartoodu badan tahay, inta aaney soo gaarin airports-ka Mareykanka waa in warbixinno laga helo.

Maandeeq FM

Related Articles

Close