WararkaWaxbarashada

Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland “Waxaa Loo Baahan yahay Iney Jaamacadaheennu Ku Tartamaan Tayo”

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ugu baaqay jaamacadaha Somaliland iney ku tartamaan dhinaca tayada waxbarashada si ay arday aqoon leh usoo saaraan.

Madaxweyne ku-xigeenku wuxuu sidaas ka sheegay mar uu xarigga ka jarayey  farac cusub oo jaamacadda Shiffo University ka furatay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa yiri, waxaa la gaaray xilligii ay jaamacadaheennu ku tartami lahaayeen tayada:

“Runtii muddo badan ayaynu soo rafaadaynay, muddo badan ayaynu waddanka soo yab-yabnnay oo aynu ka shaqaynaynay sidii qarankeennu u noqon lahaa qaran taabogala iyo dawlad cagaheeda isku taagta, jaamacadaha iyo wakhtigii ay soo bilaabmeenna waad garanaysaan, maantana waxa aynu maraynaa wakhtigii horumarka, sidaa darteed,  waxaa loo baahan yahay in ay jaamacadaheenu ku tartamaan tayo iyo wanaag.”

Si kastaba, Somaliland baryihii dambey waxaa ka socday ol’ole dhanka tayada waxbrashada ah oo ay hormuud ka tahay wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare.

Maandeeq FM

Related Articles

Close