WararkaWaxbarashada

Qiimaha Lacageed ee Abaalmarinta Nobel Prizes oo La Kordhiyay

Mu’asasada Nobel Fundation ayaa Talaadadii ku dhawaaqday iney kordhineyso abaalmarinnada maaliyeed ee la siiyo dadka guuleystayaasha ah oo la gaarsiiyayo wax ka badan Hal-milyan oo dollar, kadib markii xalaadda dhaqaale ee mu’asasada ay sidii hore ka fiicnaatay.

Sida ay sheegayso wakaaladda wararka ee Reuters, mu’asasadan Nobel oo bayaan soo saartay ayaa sheegatay in qiimaha abaalmarinnada ay ku bixiso dhinacyada Sayniska, Suugaanta, iyo nabadda la gaarsiinayo 8-9 milyan oo koron oo u dhiganta 1.12 milyan oo dollar.

Qiimaha maaliyadeed ee abaalmarinta sanadadii lasoo dhaafay ayaa ahaa 900 kun oo dolar.

Madaxweynaha mu’asasada Nobel Prizes Carl-Henrik Hilden, ayaa yiri “Marka aan bixineyno abaalmarinnada isbuuca soo aaddan, waxaa na farxad gelinaysa inaan ogeysiinno dadka ku tartamaya abaalmarinta Nobel 2017, in qiimaha lacageed lagu kordhiyay million crowns oo Swedish ah.”

Waxa uu intaa kusii daray “Abaalmarintu waxay astaan u tahay cilmiga, bani’aadanimada iyo iskaashiga caalamiga ah. Xilli waxaan ku jirnaa aqoontii la bilaabay in laga shakiyo, hadaba qiimaha ay abaalmarintu xambaarsan tahay sidii horey way kasii muhiimsan tahay.”

Dhaqaale xumo soo waajahaday mu’asasada sanadkii 2011 ayaa qiimaha abaalmarinta hoos loo dhigay, waxaa la bixin jiray 10 milayn oo koron waxaan la gaarsiiyay illaa 8 milayn oo koron.

Alfred Nobel oo ahaa nikii soo ikhtiraacay dynamite ayaa ku tabarucay lacag ra’samaal ah oo abaalmarinta lagu bixiyo, iyadoo lacagtaa lagu wareejiyay hay’ad la aasaasay sanadkii 1900.

Maandeeq FM

Related Articles

Close