arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

W. Waxbarashada Puntland oo Qabatay Kulan Dhalinyarada looga Wacyigelinayay Aafada Tahriibka

Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland iyo hay’adda socdaalka adduunka “IOM” ayaa si wadajir ah u qabtay sanadkii Labaad oo xiriir ah wacyigelin ku saabsan halista laga uu leeyahay tahriibka.

Wacyigelintan oo ka qabsoontay xarunta jaamacadda PSU ee Garowe ayaa waxaa ka qeybgalay madaxda ugu sarreysa ee wasaaradda waxbarashada Puntland, saraakiil ka tirsan IOM, rururka dhalinyarada Sehdo, aqoonyahanno iyo marti sharaf kale.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa lagu soo bandhigay Ruwaayad iyo maansooyin lagu wacyigelinayo bulshada dhibaatada tahriibku uu leeyahay. Waxaa lagu soo bandhigay warbixin sheegaysa in inta badan dhalinyarada tahriibtaa ay yihiin kuwa waxbartay, gaar ahaan kuwa dugsiga dhexe iyo sare.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Puntland Dr. Abshir Yuusuf Ciise oo ka hadlay dhibaatada tahriibka laga dhaxlaa ayaa xusay in  dil, dhaawac, kufsi iyo noloshii qurbaha ee lagu  riyoonayay oo lagu hungoobo:

“Cilmi ha baran cuskug oo meel cayuubnow waa ceeb adduunka ah, hadda qurux ayaa idinka muuqata, laakiin qofku marka uu tahriibo waa dhimanayaa, dhaawacbaa helaya, waa la kufsanayaa, jirkiisa ayaa la jarjaraayaa oo dunida laga iibinayaa, waxay tahay inaan dadka kala hadalno tahriibta inuu yahay wax mamnuuc ah oo aan diiniyan u banaanaaneyn.”, ayuu yiri wasiir Abshir.

Waxa uu intaa sii raaciyay in mustaqbalka dhow Soomaaliya ay ahaandoonto waddan isaga nolosha loosoo doonto, wuxuuna dhalinyarada ku booriyay iney dalkoooda aaminaan.

Lagasoo bilaabo sanadkii 2009, Puntland iyo Hay’adda IOM, ayaa ka wada shaqeynayay mashaariic kala duwan oo lagu wacyigelinayo dhalinyada si loo xakameeyo tahriibka.

Maandeeq FM

Related Articles

Close