arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Waxyaabaha aan Weli Loo Ogoleyn Dumarka Sucuudiga

Boqorka Sucuudiga ayaa soo saaray wareegto dumarka loogu ogolaanayo iney baabuurta kaxeeyaan, waxaanu sidaa ku soo af-jaray arin dalkiisu kaga soocnaa dunida inteeda kale.

Laakiin marka fasaxaasi dhaqan galo bisha Juun ee soo socota, waxa sii jiri xuquuq kale oo weli aanay dumarka ku dhaqan dalkaa muxaafidnimada ku talaxtagay aanay heli doonin.

Waxa jira waxyaabo badan oo dumarka Sucuudiga kaga xidhan ogolaanshaha ragga ehelkooda ah oo ay fasaxooda u baahanyihiin. Waxyaabahaasi way badan yihiin waxaana ka mid ah:

Qaadashada baasaboorka

Inay u baxaan safar dibadeed

Guurka

Furashada xisaab banki

Furshada ganacsi

Qalliinada is qurxinta ah

Ka bixidda xabsiga

Xayiraadahaasi waxay qayb ka yihiin dhaqanka Sucuudiga ka jira ee Maxram-ka. Tan iyo markii Sucuudigu wadan noqday, dalku wuxu ku dhaqmayey Fiq-higa adag ee Shareecada Islaamka ee Wahhaabiga.

Sannadkii 1979 oo ay kooxo xag jir ahi kacdoon dhigeen ka dib, ayaa hadana sharcigaa si adag loo sii dhaqan geliyey.

Waxaanay ka dhigtay dalka ka ugu ugu hooseeyaa heerka sinaanta labka iyo dhedigga ee dalalka Bariga Dhexe sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray ururka dhaqaala aduunka oo lagu soo badhigay heerka sinaan la’aanta labaka iy dhedigga dunida, waxaanu Sucuudigu ka horeeyaa uun Yemen iy Suuriya oo labadaba dagaal ka socdo.

Nidaamka Maxram-ka ee dalka ka jira ayaa aad loo dhaliilaa, waxaana ururada dhaliilay ka mid ah hay’adda xuquuda aadanaha u doodda ee Human Rights Watch oo sheegtay in nidaamkaasi dumarka ka dhigay “ubad aan sharci ahaan qaadan karin go’aano waawayn oo noloshooda saamaynaya”.

Hase yeeshee nidaamkaa jiraa dumarka qaarkood kama xakamaynin in ay olole ka dhan ah bilaabaan, in kasta oo aanay arintaasi sahlanayn in ay ka suurto gasho wadan dumarka ay ku adagtahay ba in ay keligood dariiqa lugeeyaan iyagoon rag ehelkooda ahi la socon.

Garsoorka dalku, sida kuwa dalalka kale ee ku dhaqma Fiq-higa adag ee Shareecada, dumarka si cad buu u takooraa. Maragga ay laba haween ahi ka hor furaan maxkamaddu wuxu u dhigmaa markhaatiga ninka qudha.

Sidoo kale waxa ku adag haweenka Sucuudiga in caruurtooda iyagu haystaan hadii ay kala tagaan ragga qaba, hadii wiilasha da’doodu ka weyntahay todoba jir, hablahana sagaal jir. Tusaale ahaan hadii haweenaydu tahay qof ajaanib ah oo aan Muslim ahayn oo Sucuudiga ku noolna kaba sii daran.

Laakiin, dhinacyada nolosha qaarkeed ayaan haweenka Sucuudiga sida la wada moodayo u sii adkayn. Waxa haweenka dalkaa loo ogolaaday in ay codeeyaan sanadkii 2015-kii. Waxbarashadu waa ku waajib hablaha iyo wiilasha ilaa inta ay shan iyo toban jirsanayaan, dumarka ayaana ugu badan dadka jaamacadaha dalkaa ka qalin jabiya.

Boqolkiiba 16 shaqaalaha dalku waa haween, hase yeeshee labiska ay ku shaqo tagayaan ikhtiyaar uma laha.

Dumarka ajaanibka ah ee dalkaa taga ayaa sheega in lagu khasbo in ay cabbaayado xidhaan inta aanay madaarrada ka bixin, laakiin xaasaska madaxda dunida ee dalkaa booqday ayaan lagu dirqiyin in ay cabbaayado iyo masarro toona xidhaan.

Xigasho: BBC

Maandeeq FM

Related Articles

Close