WararkaWaxbarashada

Xukuumadda Masar oo Meelmarisay Mashruuc Qaanuun oo Lagu Dhisayo Wakaaladda Cirbixiyeennada Dalkaasi

Xukuumadda Masar ayaa meelmarisay mashruuc qaanuun oo lagu yagleelayo wakaaladda waddanka ee cirbixiyeennada, sida lagu sheegay bayaan Arbacadii shalay kasoo baxay golaha wasiirada dalka Masar.

Bayaankan ayaa lagu sheegay in ulajeedada wakaaladdan loo dhisayaa ay tahay “In dayax-gacmeedyo la sameeyo ay Masar leedahay, hawada sarena loo diro, si loo baritaabo danaha horumarinteed ee dalka.”, waxa intaa uu sii raaciyay bayaanku “Masar waxay ka mid noqoneysaa awoodda dunida ee dhana teknoloojiyadda cirbixinta.”

Mashuuca Qaanuun ayaa la horgeyn doonaa baarlamaanka Masar si ay u meelmariyaan.

Masar ayaa iska leh shirkadda “Nilesat” oo maamusha dayax gacmeedyo ay halwadeenno ka yihiin dad ajaanib ah oo aan Masar u dhalan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close