arrimaha bulshadaUncategorizedWacyigelinWararkaWaxbarashada

5 tallaabo oo aad Ku Baraneyso Sida Loo Gaaro Go’aanka Saxda ah

Noloshaada weli ma la kulantay xaalad adag oo aad ka lababeysay go’aankii aad qaadan lahayd, kadibna go’aan arrintii maka gaartay, laakiin muddo ka dib makuu caddaatay go’aankii aad gaartay inuu ahaa mid khaldan, sababta go’aankaasina ma la dhibaatootay adigoo si aad ah uga qoomameynaya.

Aadanaha sidiisaba wuxuu jecelyahay inuu wax barto noloshiisa oo waxwalba uu isagu si iskii ah u tijaabiyo, sidaa darteed kama fursaneyso inaan khaldaad ku dhacno, dhamaan dadka oo dhan ayay sidaasi ku dhacdaa oo khaldama, khaldaadka aan ku dhacaynno se waan soo koobi karnaa haddii xaaladda aan dhiraandhirinno marka hore isla markaaan aan si waanagsan uga fakarno inta aanan go’aan gaarin.

Hadaba, waxaan halkan hoose idinku soo gudbineynaa 5 tallaabo oo muhiim u ah marka aad agaareyso go’aan khuseeya mustaqbalkaaga iyo noloshaada oo dhan:

1 . Ku layli naftaada go’aan qaadashada

Ku layli naftaada oo ku tababar iney go’aanno goorto, xitaa waxyaabaha yaryar ee aaney dadku muhiim u arkin laakiin go’aanka u baahan, sida doorashada dharkaaga labiska, waxaad dooneyso inaad daawato, in qof ku dhibay aad ka saarto bartaada Facebook-ga ama Twitterka, waxa muhiimka ah waa inaad go’annada idigu aad si shakhsi ah u gaaro oo aaney cid kale saameyn kugu yeelan, waxaad la qabsaneysaa go’aan gaarista, hadhow markii aad go’aan ka qaadaneyso aarimo muhiim ah kuma dhibaatoon doontid.

2 . Marka aad go’aan gaareyso ka fakar labadan arrimood

Marka aad taagan tahay xilliga go’aan gaarista, go’aankaasina uu yahay mid muhiim ah, sidii aad wax yeeli lahaydna aad ka walwalsan tahay, markaas ayaa loo baahan yahay inaad ka fakarto Labo arrimood oo muhiim ah oo kala ah, Kow: Falanqeynta mushkiladda aad u laba labeynayso, Labo: saameynta uu hadhow kugu yeelan karto. Kadib xadidi oo naftaada u caddee danta aad go’aanka ka leedahay.

3 . La tasho dadka kaa waayo aragsan

Dadka waaya aragga ah waa dad tijaabooyin hore soo maray oo laga yaabo xaaladadaada oo kale iney la kulmeen, sidaa darteed waxaad inta badan ka helaysaa talo wanaagsan oo dhaxalgal kuu ah. haddii uu go’aanku ku saabsan yahay maalgashi khabiir dhanka dhaqaalaha ah la tasho, waxaa hubaal ah inaad ka heli doonto talooyin muhiim ah oo wax ku ool ah.

4 . Bedello badan sameyso

Waxaa hubaal ah inaad ugu dambeyn qaadan doonto go’aan kaliya, laakiin waxwalba haku khamaarin, naftaada u samee meelo ay ku baxsato, waxaa dhici karta inaad maalgashi ku bixiso lacago aad u farabadan, sidaa darteed khasaaro iyo faa’ido maalgelintaa aad sameysay labadaba waa laga fili karaa, go’aannada noocaas oo kale ah waa go’aanno muhiim ah, qofka ganacsadaha ahna markasta khasaaraha iyo faa’iidada wuu u bareeraa, laakiin waxaa lagama maarmaan ah inaadan waxwalba oo aad haysato aadan badda ku shubin mar qura oo aadan markab kusoo rarin, inuu dago ayaa dhici karta, sidaa darteed waxaa habboon inaad mar kasta khasnadaada keyd ku reebato si aadan hadhow meel eber ah aadan uga bilaabin.

5 . Mabaadii’daada ha bedelin

Mabaadi’daada nolosha marna ha bedelin, ha qaadan laaluush, cid kale yaaney ku iibsan, dad kale dhibaato ha u geysan, ogow inta badan guulaha ay dadka dunidu gaareen waxay ku gaareen mabaadi’dooda wanaagsan oo ay ilaashadeen iyo inaaney marnaba hoos u soo eegin waxyaabaha aan marcanaha lahayn ee noloshooda waxyeellada u geysanaya.

Ugu dambyn, haddii aan nolosha ku eegno luqada fikirka, waa mid ku dhisan go’aanno inaan gaarno la inooga baahan yahay, Alle SW waxa uu inoo sameeyay caqligii aan ku fakari lahayn, sidaa darteed ha degdegin, Alle talo saaro, go’aan kasta oo aad gaareysana istikhaaro ka hormari, waa hubaal inaadan marnaba khasaareyn.

Maandeeq FM

Related Articles

Close