arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Dhaxal Sugaha 3aad ee Boqortooyada Ingiriiska oo Iskuulkii Lagu Kari la’yahay

Prince George oo ah dhaxal sugaha saddexaad ee boqortooyada Ingiriiska ayaa u muuqdaa mid dhibaato u keenaya qoyskiisa, wiilkan yare ee uu dhalay amiir William waxaa ku adkaatay inuu la qabsado nolosha iskuulka.

Sida ay qoreyso jariidada “Mirror” ee kasoo baxda gudaha Britain, amiirkan yar ayaa doonaya inuu guriga iska joogo, isagoo sheegay in waxa kaliya ee uu rabaa ay tahay inuu hooyadii la joogo.

Amiir William ayaa sheegay in George uu jecelyahay safarka iyo inuu raaco hooyadii iyo aabih, sidaa darteed iskuulku uu qalibigiisa ku culus yahay.

Sheekada amiirkan yar ayaa hadal haynta ugu badan ka noqotay baraha bulshada, laga soo bilaabo maalintiisii koowaad ee la geeyay iskuulka “Thomas Patrici” oo ku yaalla Koonfur galbeed ee magaalada London.

Amiirkan “George” ayaa ah dhaxal sugaha Saddexaad ee boqortooyada Ingiriiska, waxaan ayeeyo u ah Queen Elizabeth II.

Maandeeq FM

Related Articles

Close