arrimaha bulshadaTiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

Madaxweyne Trump oo aan Loo Ogoleyn Wax ka Badan 140 xaraf! ..Kadib Kordhintii Xarfaha Twitter-ka Ee La Gaarsiiyay Illaa 280

Shirkadda Twitter ayaa ku dhawaaqaday in madaxweynaha Mareykanka Donald Trump aanuu ku jirin dadka loo kordhinayo erayada qoraalka barta, waana sida uu sheegay milkiile ka tirsan bartaasi.

Biz Stone oo ka mid ah milkiilayaasha barta Twitterka oo ka jawaabay mid ka mid ah macaamiisha barta oo ku canaanta in Donald Trump uu heli doodo qoraal badan oo uu fowdo baaxadleh ku abuuro ayaa ku jawaabay “Isagu kama mid ah dadka tijaaadan cusubi khusayso”, iyadoo Twitter-ku dad yar oo kooban  u ogolaaday iney tijaabiyaan xarfaha la adeegsan karo oo la gaarsiiyay illaa 280 xaraf.

In badan oo ka mid ah dadka Twitterka isticmaala ayaa shirkadda Twitterka ku mudaharaaday adeeggan cusub ku dhaliilay, iyagoo tilmaamaya in fursadda ugu weyn ay u tahay madaxweynaha Mareykanka, maadaama inta badan qoraalladiisu u badan yihiin kuwo muran dhaliya.

Si kastaba, diidmada bartu ay madaxweyne Trump ugu diidday iney xarfaha u kordhiso ayaa ku eeg xilligan tijaabada oo dad shirkaddu ay si gaar ah u xulatay loo sii daayay, laakiin waxaan la ogayn marka adeegani si rasmi ah u dhaqangalo in Trump sidan loogu wadi doono iyo in isna loo fasixi doono, maadaama ay dad badani kasoo horjeedaan in loo kordhiyo.

Maandeeq FM

Related Articles

Close