WararkaWaxbarashada

Wasiirrada Waxbarasho ee Soomaaliya & Qatar oo Ku Kulmay Dalka Kuwait

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Daahir Cismaan oo gaaray maalinimadii shalay dalka Kuwait ayaa halkaa kula kulmay Wasiirka Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Qatar Maxamed binu Cabdiwaaxid al-Xamadi.

Wasiirka Waxbarashada XF Soomaaliya ayaa dalka Kuwait u jooga ka qeybgalka shir uu soo qabanqaabiyay ururka Alecso (Arab League Educational Cultural and Scientific Organization) oo urur ka shaqeeya waxbarashada, dhaqanka iyo sayniska, iyadoo sanad kanna ay shirguddoon ka tahay dowladda Qatar.

Labada Wasiir ayaa isku arkay shir doceed ka goonni ah kan guud ee ururka Alecso, intii uu kulanku socday ayaa laga wadahadlay xiriirka labada waddan iyo fulinta heshiisyadii ay horey u wada saxiixdeen. wasiirka Waxbarashada Qatar ayaa si aad ah ugu xeel dheeraaday xiriirka labada waddan iyo sida uu u yahay mid aad u adag.

Xigasho: Warbaahinta Qatar

Maandeeq FM

Related Articles

Close