WararkaWaxbarashada

6 Macluumaad oo aan Kusoo Qaadannay Iskuulaadka oo La Caddeeyay Inaaney Sax ahayn

Iyadoo iskuullaadka looga baahan yahay iney leeyihiin manhaj go’an oo la jaanqaadi kara casriga , ayaa dhanka kale cilmigu uu horumar ballaaran uu sameynayaa, taas oo ka dhigaysa macluumaad aan horey u haysannay waxba kama jiraan ah oo aan dhab ahayn.

Pluto Meerayaasha kuma jiro

Manaahijta iskuulaadka ayaan ku barannay in Pluto uu yahay meeraha ugu dambeeyay meerayaasha 9ka ah ee qorraxdu leedahay, laakiin xilligan casriga ah waxaa loo aqoonsan yahay meer yar oo aad u fog, oo waxaa laga saray habkii uu ka tirsanaa sanadkii 2006.

Taariikhda uu Mareykanku xorriyadda qaatay

Marka laga hadlayo taariikhda waxaa lagu soo daraa xilliga uu mareykanku xoriyadda qaato iney tahay July, Afarteeda, waa maalinta ay dabaaldagaan, laakiin sida saxda ah waa Septemver, 3, 1783, waa 7 sano iyo laba bilood ka dib xilliga hadda la yaqaanno ee macruufka ah.

Dheemanka ayaa ugu adag

Dheemanka ayaa la aaminsaa inuu yahay maadada ugu adag adduunka, laakiin 2009 ayaa la helay labo maaddo oo ka adag oo la kala yiraahdo boron nitride iyo Ionsdalite.

Laabitaanka Warqadda

Waxaa aad caan u ahayd fikradda ah in aaaney suurtogal ahayn in warqad la laabo 9 jeer wax ka badan, laakiin ardayad dhigata isku ku yaalla California ayaa laabtay 11 jeer sanadkii 2006.

Derbiga Shiinaha

Waxaa la aaminsanaa in derbiga wayn ee Shiinaha ee ka mid ah 7 mucjiso ee dunida uu yahay kan kaliya ee cirbixiyeennadu ay dhulka ka arkaan marka ay hawada sare u baxaan, laakiin cirbixiyeen u dhashay dalka Shiinaha oo arrintaa soo hubiyay ayaa sheegay in aaney waxba ka jirin arrintaas.

Qeybinta noolaha

Noolaha waxaa loo qeybiyaa 5 boqortooyo oo aasaasi ah, laakiin daraasaadka cilmiyeedyo la sameeyay waxay caddeeyeen in tirada boqotooyooyinka la gaarsiin karo illaa 8.

Maandeeq FM

Related Articles

Close