WararkaWaxbarashada

Applicationno aad Kala Soo Degi Karto Mobile-kaaga Smartphoneka oo Kaa Caawinaya Waxbarashada

 

 

 

Waxbarashadu waa waxa inoogu muhiimsan nolosheenna, dhamaanteen waan wada ogsoon nahay oo oraahdaasi cid kastaa way ka warqabtaa, laakiin waxaa xaqiiqo ah in mararka qaar inbadan oo inaga mid ah ay ku adkaato amaba ay caajis dareemaan xilliyada ay xisadaha waxbarasho ku jiraan.

Ma aha inaad waxbarasho oo qura aad ku fakarto, ee waa inaad ku fakarto inaad si caqli ah wax u barato oo aad u heersarreysa, inaad si caqli ah wax u barato waxaa ka mid ah inaad applications kala soo dagto mobile-kaaga Smartphone ka ah oo intarnetka si bilaasha ah aad uga heli karto, kuwaas oo kaa garab siinaya waxbarashada.

Sidaad darteed, waxaan halkan idinku soo gudbineynaa Application-no aad la soo degi karto si fudud kana faa’ideysan karto si dhameystiran.

AFFTIME

Waa application kaa garab siinaya in howsha aad ku jirto aadan dhinacna uga leexan, marka aad Application-kan aad howlgaliso wax kale oo kuu furmayaa ma jiraan oo taleefonka ayuu mashquul ka dhigayaa, iyadoo aanuu taleefoonku sinaba kuu mashquulinayn inta aad waxbarashadaada ku jirto.

Haddii aad isku daydo inaad waxyaabo kale furto, si iskii ah ayuu ku xirayaa waxaanuu  kuu soo qoray farriinta ah OFFTIME oo shaashada kuu soo koraysa.

My Homework Student Planner

Application-kan waxa uu ku jira kuwa ugu muhiimsan oo arday ahaan aad adeegsan karto, waajibaadka lagu soo diro ayaad ku kaydsan kartaa iyo jadwalka lagu soo siiyo, dhamaan waxyaabahaas oo dhan hal-meel ayuu kuugu kaydinayaan, magacyada fasallada aad barato ayaa ku qori kartaa, sidaa darteed inaan mar kale qorto oo meelo kala duwan ku qorato uma baahaneysid.

Haddii aad application kan furato waxaad helaysaa adeegyo farabadan oo arday ahaan aad kuu cajabgeliya.

Office Lens

Suurtogal maaha dadka oo dhan inaad fasal kasta oo waxbarasho aad xaadirto oo aad ka qeybgasho maalin ayunbay xiisado kaa maqnaan karaa, sidaa darteed barnaamijkan waxa uu ku sahalayaan inaad si fudud uga sawirato ardayda kale qoraalkooda, isagoo meel kaliya ugu uruurinaya sidii buug oo kalena kuugu diyaarinaya.

Office Lens waxa uu kuu sameynayaa inuu kuu sawiro notes ka ay ardayda kale qortaan, sawirada mobilka ee buugaagta laga qaado ayaa gaar ahaan loogu talogalay, haddii aad doonto waad isku uruurin kartaa adigoo PDF iskugu geynaya.

GoConqr

Marka ugu horreysa ee aad barnaamijka furto waxa uu kaa dalbanayaa inaad sheegto mihnadaada, isagoo doorashooyin badan kusoo ag dhigaya oo ay ku jiraan daraasad, waxbarasho, shaqo, marka aad gasho qeybta waxbarashada waxa uu kaa codsanayaa inaad doorato heerka aad tahay, qeybta aad doorato halka hoose ee shaashadda ayay kuugu soo qormeysaa, kadib waxaad ka faaideysan kartaan shaqada barnaamijka oo waxyaabo badan oo dhanka waxbarashada ku saabsan aad ka heli doonto.

Waxaad ka helaysaa adeeggan adeegyo kale oo dadka aad isku takhasuska tihiin ay isticmaalaan isla markaana aad ka xiriiri karto daafaha dunida.

Mathway

Waa application ay u baahan yihiin arday sida gaarka u danaynaysa xisaabta, mushkilado badan oo ku saabsan maadamaa ayaa lagu xalliyaa.

OneNote

Barnaamijka OneNote waxaad si gaar ah uga heli doontaa marna aan notes ku qoroneyso computerka, marka aad barnaamijkan ku qoroto dhamaan meelaha kale oo dhan si wanaagsan ayaad ugu isticmaali kartaa.

Google Docs

Haddii aad aad uga hesho barnaamijyada google, Google Docs, howsha aad qabaneyso ayaa ayuu isla markiiba kuu kaydinayaa, sidaa darteed uma baahaneysid inaad marar kale qorto. Sidaas oo kale waxaad ka helayasaa waxyaabo badan oo dhanka waxbarashada kaa garab siiya.

GeoGebra Graphing Calculator

Haddii xisaabtu kugu adag tahay, sawirada graphing ay dhibaato ku yihiin aad ayuu kuu anfacayaa.

RealCalc

Haddii aad raadineyso application calculator ah oo boos badan aan kaa qaadaneyn dhanka mobile kaaga waa barnaamijka kuugu habboon ee aad isticmaali karto.

Maandeeq FM

Related Articles

Close