TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

Wadnahaaga oo Noqonaya Aqoonsigaaga iyo Nambarka Sirta ah ee Telefoonkaaga Gaarka ah

Waxaa suurtagal ah in xilli dhaw wadnaha loo adeegsado aqoonsi ahaan, iyadoo lagu bedelayo habka aqoonsiga faraha iyo indhaha ee hadda la isticmaalo, waana sida ay tilmaameyso daarad cusub oo la sameeyay.

Saynisyahanno ayaa helay hab cusub oo wadnaha lagu aqoonsanayo shakhsiyaadka,  habkan ayaa lagu barayaa 8 ilbiriqsi oo qura markii marka hore, kadibna si joogto ah ayuu kuu aqoonsanayaa.

Teknoolajiyaddan cusub ayaa diiwaangelinaysa habka wadnahu u shaqeynayo xajmigiisa, sida ay culumadu leeyihiin mobilka smartphone-ka waa loo aadeegsan karaa, sidaas oo kale qalabka wax lagu baaro ee airports ka yaalla.

Habkan cusub ayaa waxaa gacanta ku haya culumo ka tirsan jaamacadda Buffalo, waana nidaam ammaan oo hab computer ah ku shaqeynaya iyadoo Wadnuhu yahay kan aqoonsiga ah ee qofka lagu garanayo.

Wenyao Xu oo kaaliye macallin ka ah jaamacadda Buffalo ee Engineering-ka iyo culuumta Sayniska, ayaa yiri: “Waxaan dooneynaa inaad isticmaalno hab cusub oo teknoloojyadda computer-ka ah , si aan u helno adeegii kuwii hore ka tayo fiican, weli dunida lagama hayo laba qof oo wadnohoodu isku mid yahay, wadnuhuna isma bedelo xaaladaha cudurada khatarta ah mooyaane.”

Saynisyahannada habkan cusub gacanta ku haya ayaa doonaya inuu haku ka dhaqangalo airportka, iyadoo dadka lagu aqoonsan karo marka uu 30 mitir u soo jirsado barta baaritaanku ka jiro.

Maandeeq FM

Related Articles

Close