arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Waxay u Diideen Iney Iskuulkooda Ku Biirto Muuqaalkeeda Darteed..Aabeheed Muhuu Sameeyay?

Waxaa aad ugu faafay baraha bulshada ee dalka Suuriya labadii maalmood ee lasoo dhaafay sheekada gabar yar oo loo diiday iney ku biirto xanaano ubadku wax ku bartaan muuqaalkeeda darteed maadaama ardayda kale ay cabsanayaan.

Tallaabadaa lagu diiday gabadhiisa ayaa aabaha dhalay oo ka falcelinayaa uu bartiisa Facebook ku qoray sida ay wax u dheceen iyo gabdhisiisu iney murugeysan tahay, intaa kumuu ekaan ee waxa uu la hadlay janal dalka Lubnaan ku yaalla oo la yiraahdo al-Jadiid.

Qisadan oo si aad ah u faaftay ayaa gaartay maalmulka waxbarashada degmadii uu ka tirsanaa ee “Xamaa”, way  kasii gudubtay oo waxay gaartay wasaaradda waxbarashada Suuriya, wasiirka waxbarashada Suuriya Dr. Hazawan ayaa guddi u saaray arrinta soo baara, iyadoo maamulihii iskuulkana xaaladdiisa si gaar ah loola socdo oo loo eegayo.

Gabadhan yar oo la yiraahdo Mirna ayaa hadda laga diiwaangeliyay xanaano kale, iyadoo markii ay sheekadii faaftay xanaanooyin badan oo gudaha dalka Suuriyaha ay soo codsadeen in Mirna ay ka qeyb noqoto.

Si kastaba, quruxdu waa tan qofnimo ee ta wejiga maaha, xaalad kasta ayaa inta shil ku qabsado isbedel kugu imaan karaa naftaada, waxaa habboon mar kasta ineynaan dadka kale nuqsaanta ay leeyihiin aynaan ku ceebayn.

Maandeeq FM

 

 

Related Articles

Close