WararkaWaxbarashada

5 Iskuul ee Ugu Yaabka Badan Dunida

Marka aad iskuul maqasho,  isla markiiba waxaa maskaxdaada kusoo degdegaya dhismo baaxad leh oo barxad weyn oo waasic ah ay ku taallo, arday badanina ay gudihiisa wax ku baraneyso, inta badan ay subixii iskuulka yimaaddaan iyagoo xamraasan boorsooyinkooda ama gacanta ku sitay buugaagtooda, kadibna ay gurigooda ku noqonayaan duhurkii ka dib iyagoo wata waajibaad lasoo siiyay iyo sheekooyin kala duwan oo ku saabsan waxyaabihii ay maalinta la kulmeen ee xasuusta gaarka ah u lahaa.

Hadaba, waxaa jira goobo waxbarasho oo ka duwan sawirka aan ka haysanno muuqaalka guud ee iskuulka aadna u layaab badan.

1 .Iskuulka Sixiroolayaasha

Waa iskuul lagu baranayo sixirka laga soo bilaabo curaafaysiga illaa sixirka noocyadiisa kala duwan, waxaa iskuulkan wax ka barta arday gaareysa illaa 40 kun oo qof oo habka online-ka ah duruustooda ku qaata, iskuulkan markii hore waxa uu ku yaallay dhisme magaalada Roseville ee gobolka Chicago gudaha dalka Mareykanka, halkaas oo uu daganaa muddo Labo sanno ah, kadib waxaa loo raray magaalada Salem ee gobolka Massachusetts waana isla magaaladii hadda ka hor lagu xiray 200 qof oo sixir lagu tuhunsanaa oo la maxkamadeeyay inta u dhaxaysay sanadadii 1692-1693. iyadoo magaaladaa loo aqoonsan yahay magaalada sixirka.

2 .Iskuulka Brooklyn

Iskuulkan ayaa waxa uu u qeybsan yahay Labo heer oo kala duwan, heerka sare oo ah caruurta da’doodu u dhaxayso 11-18 jirka iyo heerka hoose oo ah caruurta 4-11sano jirka ah.

Iskuulkan wax manhaj ah ma laha, arday kastaa fasalka uu doono ayuu ku biiraa, ardayda ayaana ah kuwa dejiya qaanuunka iskuulku leeyahay. Waxaa jira fasallo sida, “The wire and Urban Studies” kaas oo ay ardaydu la daawadsiinayo barnaamijka caanka ah ee “The Wire”, kadibna qodobadiisa ay ka doodayaan.

Macallimiinta iskuulku waa sidii kormeerayaal oo qura, imtixaan lama qaado, darajooyin la bixiyo oo ma jiraan, ardayga waxa la siinayaa waa un waayo aragnimo uu noloshiisa caadiga ah ku maareeyo.

3 .Philadelphia Future School

Iskuulkan ayaa laga furay galbeedka Philadelphia sanadkii 2006. Iskuulkan ardayda wax buugaag ah ma qaataan, taa bedelkeeda ardaydu waxay adeegsadaan computer ka.

Ardaydan waxaa xisaabta lagu baraa Apps-ka OneNote oo ah application aad ku isticmaali karto mobilkaaga gacanta, macalimiintuna waxay adeegsadaan shaashado smarts ah oo ay saburadaha kaga maarmeen.

4 .Iskuul boosteejada tareen ..India

Kadib markii ay raacday tareen hawenayda la yiraahdo Inderjit Khurana  ee u dhalatay dalka India, iyadoo u socota shaqo, waxay aragtay caruur badan oo tareenkii ka laadlaadsan iyagoo dadkii takaabka ahaa tuugsanaya intii ay iskuul aadi lahaayee, Khurana waxay ahayd macallimad iskuul, waxay ku farkatay caruurta iyo iney waxbarasho u baahan yihiin si ay mustaqbal ku gaaraan.

Waxay halkaa ka aasaastay mashruuc ay wax ku bartaan in ka badan 4000 oo arday oo gobol kasta oo India ah  dagan. Waxaana halkaa ka dhashay iskuulka boosteejada tareenka la magac baxay.

5 .Iskuulka doonta dusheeda

Dowladda Bangladesh sanadkii waxaa ka dhaca fatahaado waaweyn, sidaa darteed caruurta waxaa ku adag iney iskuulka gaaraan maadamaa iskuulaadku ay biyo galeen noqonayaan, sidaa darteed si loola qabsado xaaladda daadadka waxaa la sameeyay iskuulaad iyo goobo caafimaad oo webiyada dushooda laga sameeyay si marka ay daadad yimaadaan aan marnaba loogu dhibaatoon.

Iskuulka doomaha waxa uu iskugu jiraa gaadiid caruurta guryahooda lagu geeyo iyo fasal ay wax ku bartaan, waxay ardaydooda kasoo qaadaan wabiyada jiinkooda, waxaana ka faa’ideystay 70 kun oo caruur ah illaa markii la aasaasay ee sanadkii 2002.

Maandeeq FM

Related Articles

Close