WararkaWaxbarashada

Barafuun Dilaa ah oo Wadamo Carbeed Si Xoog leh Ugu Faafay

Xaalad argagax leh ayaa ku jirta dalka Masar iyo dadal badan oo carbeed kadib markii uu ku faafay barafuun dilaa ah oo saddex cisho ka dib uu qofku suntiisa u dhimanayo.

Wasaaradda Supply-ga ee u qaabilsan dalka Masar waxyaabaha dibadda laga soo iibsado ayaa muwaadiniinta dalkeeda uga digtay nooca barafuunka cusub ee dilaaga ah oo magaciisa ay ku qoran tahay “Relax”. Waxayna wasaarddu ugu baaqday wakiilladeeda gobollada kala duwan ee gudaha dalka Masar iney hubiyaan halka cadarkaasi uu ka imanayo iyo cidda iibineysa, iyadoo  xaalad kasta oo ay ka shakiyaan lagu amray iney isla markiiba shaybaarka geeyaan.

Dhanka kale, dowladda Algeria ayaa iyaduna muwaadiniinteeda uga digtay barafuun(Cadar) oo dalkeeda lagu arkay, sidaas oo kale, barafuunkan waxaa laga sheegay Ciraaq, Kuwait, Baxreyn, Lubnaan iyo Suudaan.

Wasaaradda Supply-ga Masar waxay carrabka ku adkaysay in baaritaannadii lagu sameeyay barafuunkan lagu ogaaday inuu sumeysan yahay, laakiin astaamihiisu aanuu durbaba kaa muuqaneyn, saameyntiisuna ay kaa soo baxayso 3 illaa 4 maalmood gudahood marka uu jirka gaaro, iyadoo ugu dambeyn qofku u geeriyoonayao.

Maandeeq FM

Related Articles

Close