arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Daraasad Cusub oo Sheegaysa In Aadanuhu Marba Marka Ka Dambeysa Uu sii Nacasoobayo! Sababtu Maxay Tahay?

Xilliyadii hore  dadka waxay ahaayeen kuwo aad u caqli badan, waana sida ay inoo sheegayaa imtixaanada heerka caqliga lagu qiyaaso ee  sanadkii lasoo dhaafay, arrintu way is bedeshay, iyadoo daraasad cusub oo arrintan ku saabsan ay dhawaan soo baxday.

Sida lagu soo daabacay wargeyska dhanka internetka ee la yiraahdo “Welt” ee kasoo baxa dalka Jarmalka, caqli badnaanta looma aqoonsana iney tahay wax lagu dhasho, sida dhabta ah maskaxdeennu waxay ka kooban tahay awoodo aan inagu hor-u-marin karno si ay awood ugu yeelato iney fahamto dunida ku hareeraysan, hadaba culumo badan oo dhanka Sayniska ah ayaa isku dayday  iney tilmaan fiican ka bixiyaan awoodaha maskaxeennu leedahay, iyadoo la sameynayo dhowr baarintaan oo lagu qiyaasi karo heerka caqliga  iyo astaamo gaar ah la eegayo.

Hadaba, waxaa is weydiin mudan caqliga aadanaha ma  kordhayaa mise wuu daciifayaa?

Cilmibaarayaal ka tirsan kulliyadda King’s College oo uu hormuud ka ahaa Robin Morris ayaa sameeyay daraasaday ay ugu dambeyn natiijada kasoo baxday noqotay in dadku marba marka kasii dambeeya ay ka sii liitaan dhanka gudashada imtixaanka heerka caqli badnaanta ee IQ-ga marka laga soo bilaabo sanadkii 1972, gaar ahaan imtixaanaadka xasuusta xilliga dheer, xasuusta gaaban xoogaa hor-u-mar ah ayaa laga dareemayaa.

Kooxdan cilmibaarayaasha ah waxay baareen 174 waxyaabood oo ku saabsan imtixaanka IQ-ga iyagoo xoogga la saarayo xasuusta xilliga dheer iyo tan wakhtiga gaaban, iyadoo danta laga lahaana ay ahayd is barbardhig in lagu sameeyo.

Xasuusta gaaban ayaa kala ah macluumaadka aad wakhti kooban u baahan tahay inaad maskaxdaada ku kaydiso, sida number-ka telefonka kugu cusub oo aad dhawr jeer kusoo celcelinayso si aanad u illaabin.

Xasuusta xilliga dheer ayaa ah tan wakhti dheer aad wax ku kaydinno maskaxda xilli kasta oo aan u baahanana aan sida aan rabno u adeegsan karno.

Daraasaddan ayaa tilmaamaysa in heerka xifdiga sare uu marba marka ka dambeeya uu sii daciifayo, iyadoo arrimahaa loo sababaynayo tiknoolajiyadda casiriga ah oo in badan dadkii ka mashquulisay waxyaabo badan oo ay maskaxdooda ku kaydsan lahaayeen.

Maandeeq FM

Related Articles

Close