arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Halbeegga Xoriyadda Dunida ee 2017 oo lasoo Saaray…Somaliya Kaalintee Ayay Kaga Jirtaa Sanadkan

Waxaa soo baxay tilmaamaha caalamig ah ee xoriyadda adduunka 2017, oo ay soo saarto mu’asasada “Freedom House”, kaas oo lagu ogaado heerka xorriyadda ee 195 dawladood oo daafaha dunida ka kala tirsan, waxaa ugu sarreeyay sanadkan Finlad, Norway, iyo Swedan, halka uu dalkeennu ku jiro kaalinta 7aad ee habka qiyaasta hal-beegga xoriyadda adduunka.

Habka loo raaco halbeeggan

Waxaa laga eegaa dowladaha Labo arrimood oo kala ah, xuquuqda siyaasadeed iyo xoriyadaha dhanka magaalooyinka ka jirta, iyadoo mid kastana lagu qiimeeyo buundo u dhaxaysa 0-7, kadibna darajada guud waa 100 oo dowlad kastaa lagu qiimeynayo. 100 waa dowladaha ugu xoriyadaha badan, halka mar kasta oo xoriyadu hoosayso darajaduna ay la hoosaynayso.

24 ka ugu sarreeyay dhanka xoriyadaha siyaasadeed iyo tan madaniga ah waxaa sanadkan laga waayay Mareykanka oo helay 89 darajo, iyo Faransiiska oo helay isna 90 darajo.

24 Dowladood ee ugu Sarreeya

Dowlahadda ugu hooseysaa waaa Suuriya, halka Soomaaliya la siiyay 5 darajo qura.

Maandeeq FM

Related Articles

Close