arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Jaamacadda Oxford oo Sawirka Aung San Suu Kyi ka Dejisay Gudaha Jaamacadda

Jaamacadda Oxford ayaa ku dhawaaqday iney gabi ahaanba ka suulisay gidaarka jaamacadda sawirka Aung San Suu Kyi oo ku xardhanaa albaabka weyn ee laga galo kulliyadda ‘St. Hughes College’ ee gudah jaamacadda.

Go’aan kasoo baxay maamulka jaamacadda ayaa lagu sheegay  kadib markii Suu Kyi loo soo jeediyay cambaareyn caalami ah dhibaatada muslimiinta Rohingya dartood ay jaamacaddu go’aansatay iney sawirkeeda ka suuliso gudaha kulliyadda.

Sawirka ayaa si gaar ah ugu xardhanaan albaabka weyne ee laga galayo kulliyadda ‘St. Hughes College’, sawirka waxaa la geeyay meel bakhaar ah waxaana lagu bedelay sawir cusub oo ay leedahay fanaanadda reer Japan Yoshihiro Takada si kumeelgaar ah.

Hoggaamiyaha Burma Suu Kyi oo ku guuleysatay Nobe Peace Prize  waxay ka qalinjabisay kulliyadda St. Hughes College oo ay ka qaadatay shahaadada Falsafadda, siyaasadda iyo dhaqaalaha, ka hor inta aaney qaadan Masters siyaasadda sanadkii 1968-dii.

Kulliyadda oo bayaan oo bayaan soo saartay ayaa sheegtay, “Waxaan helanay sawir cusub, xilli hore oo bishan ah, in muddo ah ayuu ku dhaganaan doonaan albaabka weyne ee kulliyadda. Xilligan sawirkii Aung San Suu Kyi waxaa la geeyay goob aamin ah.”

Ugu dambeyn, Jaamacaddu bayaankeeda ku ma aaney sheegin in go’aanku uu la xiriiro xaaladda hadda taagan ee gumaadka Muslimiinta Rohingya lagu hayo iyo in kale.

Maandeeq FM

Related Articles

Close