arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Paris oo Maanta Baabuur La’aan ah!

Axadda maanta ah magaalada Paris waxaan laga ogoleyn inta badan gawaadhida, si booska loogu banneeyo baaskiilladaha iyo alwaaxda kale ee lagu socodo, go’aan dadbadani ay ka soo horjeesteen kuwo kalena ay taageero baaxad leh u muujiyeen.

Nevsky oo ah la taliyaha deegaanka hay’adda gaadiidka caasimadda ayaa yiri “Hadfa si fudud haddaan u sheego waa in magaalada si sidii hore ka duwan looga faa’ideysto”, ayuu yiri.

Dadka luga ku socda iyo kuwa baaskiiladaha wata ayaa si ammaan ah iyo xasillooni ah ay ugu suurtogaleysaa iney waddooyinka waaweyn ku maraan iyadoo cid ciriiri gelinaysa iyo baabuur carqaladeynayaa toona aanuu jiri, waana laga biilaabo 11am illaa 6pm.

Go’aanka waxaan ku jirin gawaadhida kirad ah, maalinta ‘gawaari l’aanta’ ayaa sidan oo kale waxaa iska leh magaalooyinka New York, Casablanca, Brussels.

Pierre Chassery oo ka hadlay guddi ay ku kulan san yihiin 40 milyan oo gaari ayaa go’aanka ku jeesjeesay isagoo yiri, “Haddii xaday uu jawigu xumaado, waxay noqon doontaa in cid lugaysa la waayo”.

Magaalada Paris ayaa ka mid ah magaalooyinka Yurub ugu saxmadda badan, marka la eego dhismaheeda isa-saarsaaran,  yaraanta cagaarkeeda, waa magaalo ku fadhisay dhul gaaraya 105 KM oo isku weer ah, halka magaalada Madrid ay tahay tusaale ahaan 604KM oo isku weer ah.

Maadeeq FM

Related Articles

Close