WararkaWaxbarashada

Saylici: Waxaan Ballanqaadaynaa in Cilmiga la Dhiirigeliyo oo Qabyaaladda iyo Siyaasadda Hoos Loo Dhigo

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo maalinimadii shalay ka qeybgalay xafladdii gabagabada arday ka qalinjabisay mac’hadka culuumta beeraha ee abu-riin ayaa sheegay iney cilmiga dhiirigelindoonaan, qabyaaladda iyo siyaasadana ay hoos u dhigi doonaan.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa ugu horreyn si gaar ah u ammaanay wasaaradda beeraha oo dhaqangelisay mashruuca mac’hadka culuumta beeraha ee abu-riin isoogana dhanka kale sheegay iney hoos u dhigi doonaan qabyaaladda iyo siyaasada cilmigana ay dhiirigelindoonaan:

“Madashan aadka u qiimaha badan ee aan iskugu nimid, runtii waa wixii inoogu mudnaa ee ahaan cuntada in maanta lagaga hadlayo, halkanna ay ku qalinjabiyeen aqoonyahanno da’yar ah oo runtii si cadaalad ah lagu soo xulay, waan ku hambalyaynayaa wasiirka beeraha, waxaan ballanqaadeynaa inaan cilmiga dhiirigelinno oo qabyaaladda iyo siyaasadda hoos loo dhigo.”

Waxa uu ka hadlay mac’hadkan iyo taariikhdiisii hore oo ahayd mid aad u facweyne iyo deegaanka loo doortay oo ah mid aad ugu haboon, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa:

“Abu-Riin waa meel aad u da’weyn, qof kastaa marbuu maqlay, aniga markii ugu horreysay ee aan maqlo 40sano ka hor ayay ahayd, runtii waa meel ku habboon in xarun dhex oo cilmibaaris ah laga sameeyo, nasiibkiin ayaa idin siiyay deegaanka, waxaan kale oo aan aad uga mahad naqyaa mashruucan dalalkii inaga caawiyay, waan arkaynaa maanta in mashruucii miro dhal yahay, waxtarkiisiina uu muuqdo, sidii ay u joojiyeen laagihii go’ay ee la itusay (aadbaan ula dhacay), marlabaad ardaydaan hambalyaynaynaa, wasaaradaan haymbalyayneynaa, hay’adihii inaga caawiyay ayaan hambalyaynaynaa.”

Si kasta, waxaa muhiim ah inaan ogaanno siyaasad iyo qabyaalad inaan dal lagu dhisin cilmiguna uu yahay furaha nolosha iyo horumarka, hadaba marka ay siyaasiyiintu ku baraarugaan muhiimadda aqoonta waa ififaalo wanaagsan oo yididiilo leh.

Maandeeq FM

Related Articles

Close