WararkaWaxbarashada

Shiicada oo Maanta U Dabaaldagaysa Munaasabadda Maalinta Caashuura

Malaayiin ka tirsan shiicada Ciraaq ayaa u dabaaldagaysa soo nooleynta maanta Caashuura oo iyaga u ah maalintii la dilay Imaam al-Xuseen binu Cali binu Abii Daalib dhacdadaas oo ahayd 14 Qarni ka hor.

Jawi murigo iyo tacsi ayaa maanta ka jira goob kasta oo ay  Shiicadu ka dagaan dunidao, dadbadan ayaa ku kulansan halka uu ku aasan yahay Imaam Xusein iyo Sayid Cali binu Abii-daalib  magalada Najaf ee gudaha dalka Ciraaq.

Munaasabaddan ayaa loo diyaariyay telefishinno iyo idaacado u gaar ah oo si toos ah u tabinaya xuska.

Saacadihii hore ee saaka ayaa waxaa u qulqlay goobaha ay munaasabadda Caashuuraa ka dhacayso kumamaan qof oo Ciraaqiyiin ah oo midiyo ku garaacaya madaxyadooda si ay dhiig iskaga keenaan, halka kuwo kalena ay laabtooda ku garaacayeen gacmahooda iyagoo ooyin xoog leh muujinaya.

Xukuumadda Ciraaq ayaa ku dhawaaqday maanta oo Axad ah iney tahay fasax rasmi ah dhamaan daafaha Ciraaq, Tobanaan kun oo ciidanka ammaanka ahna waxaa lagu soo daadiyay waddooyinka si ay u  ilaaliyaan goobaha ay munaasabaddu ka dhacayso.

Maandeeq FM

Related Articles

Close