WacyigelinWararkaWaxbarashada

12 Waddo oo Kuu soo Jiidaysa Kalsoonida, Jacaylka iyo Ixtiraamka Dadka Kale

Astaamaha ay dadka oo dhani ay ka siman yihiin oo ay jecelyihiin waxaa ka mid ah in mid kastaaba uu  noqdaan qof caan ah, la jecelyahay, dadkuna ay ixtiraamaan.

Arrintaasi ah iney dadku ku ixtiraamaan meel cidlo ah kama timaaddo “Xaglo laaban iyo xoolo horaa la iskugu waayay”, waxaa laga yaabaa xilliyada qaar inaad is tiraahdo dadba uma baahni xumaan iyo samaanba, waxaadse illoobaysaa inaan qofna kaligii noolaan karin, asalka dabeecadda aadanuhuna ay tahay bulshaawi.

Hadaba, waxaan idiin soo gudbineynaa 12tallaabo oo aad ku gaari karto iney dadku ku jeclaadaan kuna ixtiraamaan:

1 .Run sheeg Noqo

Dadka qaar ayaa aaminsan in xeeladaysiga iyo khiyaanadu ay yihiin wadada ugu fudud ee hor-u-marka dhanka shaqada ah lagu gaaro, mararka qaar inaad ku dallacado way dhici kartaa, laakiin guusha noocaa oo kale ah lagu gaaro ogow waa mid aan wakhti dheer sii jiri, cago badanna aan lahay. Ogow arsaaqdaada wadada ugu fiican ee aad ku heli kartaa lagu raadsadaa oo Alle SW uu raalli kaa noqonayo, maadama ay markasta kuu qoron tahay oo aaney meelna kugu seegayn.

2 .Ballamahaaga fuli

Haddii ballamaha aad ka qaaddo mucaamiishaada aad fulin waydo sumcadaada suuqa ayaa xumaaneysa, mar kasta oo aad ballamahaaga kasoo baxdo kalsoonida ay dadka kale kugu qabaan ayaa sii xoogaysaneysa, . Haddii aad aragto in ballamihii aad qaadday ay wakhtigoodii ka dib dhacayaan waa inaad macaamiishaada u sheegto. Waana halka ay Soomaalidu tihaahdo ama afeef hore yeelo ama adkeysi dambe.

3 .Khaladaadkaaga qiro

Khaladaadka inaga dhaca dartood waxaan la kulannaa fashil mararka qaar, laakiin maamulka wanaagsan waa kuwa khaldaadkooda garta oo qirta isla markaana guul u bedela, iskana ilaaliya inaaney mar dambe ku dhacin. Haddii aad dooneyso iney dadu shakhsiyaddaada si waangsan u arkaan, inaad tahay qof mas’uul ahna aad u muuqato, waxaa laga maarmaan ah inaad khaldaadkaaga qaadato oo aanad dad kale dusha kaga tuurin.

4 .Noqo qof  howshiisa ka adag

Inaad howsha aad hayso u qalanto iyo kalsoonida ogow mar kasta dadku tijaabo joogto ah ayay kugu hayaan, waa halka la yiraahdo “dariskaagu waa ilaalo aan laguu diri”,  dadku mar kasta way iska kaa eegayaan, dadka intooda badani waxay jecelyihiin iney la shaqeeyaan qofka ballamahooda si wanaagsan uga soo baxa, waxaa waajib ah inaad wakhigaaga si wanaagsan u ilaaliso, iskana ilaali iney ku dhaafaan shirarka, ballamaha iyo xilliyada howsha lagaa rabo oo aad ka dib dhacdo.

5 .Af xumadu waa shay aan wanaagsaneyn

Erayada fkaaga kasoo baxayaa waa iney noqdaan kuwo miisaaman, haddii aad noqoto shakhsi dadka badankoodu ay uga barteen hadallada aan wanaagsaneyn ogow cid kastaa way ku xaqireysaa oo cid ku qiimeynaysaa ma jirto, qofkaad doontaba ahawe.

6 .Khliaafka si xikmad leh ku dhamee

Soomaalidu waxay tiraahdaa “carab iyo ilko ayaa iskugu dhaw iyaguna way is qaniinaan”, sidaa darteed ha xanaaqin marka aad aragto qof ra’yigaaga ka soo horjeeda, qanci dadka kugu hareeraysan, mar kasta eego halka la iskugu imaan karo ee dadku ay ka mideysan yihiin, hadalka aad sheegaysana mar kasta xujo u raadi oo meel adag haku tiirsanaado si dadka kale ay kuula qaataan, haddii aad aragto ra’yi kaaga ka wanaagsan haka lababeyn kaas qaado oo xooji.

7 .Ka Fogow Dirdiraale-nimada

Qofka xumaan ha ka sheegin haddii uu maqan yahay iyo haddii uu joogaba, mushkiladaha idin agyaalla waxa ay doonaanba ha noqdaane, arrintaasi waxay keenaysaa inuu xiriirkiinnii burburo, mustaqbalkana waxba kama faa’ideysid oo mar kastaba xumaantu adiga ayay kugu dambeynaysaa.

8 .Noqo qof aan isla wayneyn

Mar kasta ma saxnaan kartid, wax kastana uguma fiicnaan kartid, qof kasta wax un baad ka kororsan kartaa, kalsooniduna kama dhalato inaad wax kasta aad ku fiicnaato, taa bedelkeeda waxaa sarreynta laga helaa is dhuldhigga iyo inaad dadka kale ixtiraamto.

9 .Noqo qof caqligiisu furan yahay

Noqo qof markastaa ay wax ka maqan yihiin oo ra’yiga cusub oo ka sata inuu dhageysto diyaar u ah, isku day inaad barato wax kasta oo cusub, arrinti waxay kobcineysaa caqligaaga iyo xiriirka aad dadka kale la leedahay.

10 .Dadka kale Tusaale Fiican u noqo

Dadka kale la wadaag fikaradahaaga, riyooyinkaaga iyo yoolka aad tiigsaneyso, iyadoo ula jeedadu tahay iney wax kaa kororsadaan ee aaney ahayn faan iyo wax la mid ah. Dhiirigeli dadka kale si ay u gaaraan hadafkooda nolosha una xaqiijiyaan hor-u-markooda.

11 .Cadowgaaga si u qalanta ula hadlay

Halkan waxaa soo galeysa maahamaahda Soomaaliyeed ee oraneysay “Cadowgaaga caano mac ayaa la siiyaa”, waxaa dhici karta in qofka cadowga kuu arkaa uu si xun kuula dhaqmo oo uu dadka kale kaaga sheekeeyo waxyaabo aan wanaagsaneyn, markay arrintaasi ku soo gaarto hab dublumasiyadeed waa inaad ula dhaqantaa, mararka qaar waa inaad naftaada wanaag ka sheegto, waa marka aad aragto in cadwogaagu ku sumcad dilayo, waa halka ay Soomaalidu tihaado “haddii lagu sheegana waa la isa sheelaa, haddii lagu sheelana waa la isa sheegaa”.

12 .Dadka kale muhiimad gaar ah sii

Dadka kale marka ay garab kaaga baadaan waa inaad is garab taagto, gacmaha ha ka laaban oo ha dhihin maxaa iga galay?, ugu dambeyn aadane ayaad tahay, adigana naftaada dhibaato ayaa kusoo gaari karta oo  waxaad u baahaneysaa qof ku garab istaaga.

 

Maandeeq FM

Related Articles

Close