arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Fasiraadda Cilmiga.. Sababta Keenta oohinta Basasha

Jariidada la yiraahdo “Okaz” ayaa waxay ka jawaabtay su’aal ay akhristayaasheeda in badan oo ka mid ah ay is weydiinayeen oo ah: maxaan ugu ooynaa basasha, toonana aan loogu ooyi waynaa?

Fasiraadda cilmiga ee arrinta ayaa ah in sifooyinka toonta iyo basashu ay kala duwan yihiin, marka aad basasha goyso oo shay afbadan aad ku jarto  waxay soo tuuraysaa gaas loo yaqaanno cilmi ahaan “Propanethiol S-oxide”, laakiin toontu ma laha gaaskaas, waana gaas u shaqeeya sida kan baaruudda oo kale, kaas oo marka uu indhaha gaaro ay ka dhalaneyso acid dhexdhexaad oo aan waxyeelo lahayn oo ku milmayas Labada indhood oo isla markiiba ilmadu ay kaa soo daadaneyso.

Haddii aan eegno ilmada kaa soo daadaneysaa, waa mid faa’iido badan, culumada sayniskuna waxay leeyihiin waa ilmo aad u faa’ido badan caafimaadkaana aan dhibaato u lahayn, iyadoo ilin kasta oo kaa soo daadataa ay indhaha qurxin iyo iftiin u kordhinayso, waxay ka dhigan tahay safeeye aad u heersarreeya oo dhanka indhahaaga aad u heshay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close