WararkaWaxbarashada

Faysal Cali Waraabe: “17% Miisaaniyadda Somaliland Inaan Waxbarashada Gelinno Ayaan Dooneynaa”

Murashaxa madaxweyne ee Xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe oo khudbad u jeediyay arday ka qalinjabineysay jaamacadda Rift Fally ee magaalada hargeysa ayaa sheegay in 17% ay ka dhigi doonaan miisaaniyadda waxbarashada xisbigiisa waa haddii ay ku guuleystaan doorashada.

Murashax Faysl ayaa marka hore ku xeel dheeraaday xiriirka Itoobiya iyo Somaliland isoogana tilmaamay in 60% dadku ay degan yihiin killirka 5aad qoyskasta oo reer Somaliland ahna ay cidi ka dagan tahay:

“Itoobiya waxaan leenahay Strategic Partnership(xiriir istaatiijiyadeed oo qoto dheer), waan isku xidhan nahay inaga iyo Itoobiya, 60% dadkeenna reer Somaliland waxay dagan yihiin Killirka Shanaad oo qof aan halkaa reer ka joogin ma jirto, maanta Soomaali ahaan waxaan nahay dadka ugu liita Afrika sababtuna waxaan isku dartay labo waddan oo kala dhaqan ah, horey isku aqoonin oo aan isku bislaalin in la isku darsamo.”

Waxa uu sheegay in siyaasadda waxbarashada uga dagsan ay tahay inuu miisaaniyadeeda gaarsiiyo 17% iyo inuu dhiirigeliyo macallinka Talent-ga ah oo laga maarmaanka u ah horumarka waxbarashada:

“Caruurta Somaliland 12% ayaa iskuullada Jaanis u hesha, si qofkastaaba waxbarasho u helo 17%  Miisaaniyadda Somaliland inaan waxbarashada galinno ayaan dooneynaa, bari dhaweyd waa kuwii yaryar keennii wada dhacay, haddii aadan macallinka fiican la dhiirigelin oo aan mushaar fiican la siin arday wanaagsan heli maysid.”

Waxa uu ku xeeldheeraaday sida macallinka tayada leh uu waxbarashada u horumariyo meel sarena uu u gaarsiiyo:

“Waxaan jecelnahay inaan soo jiidanno macallimiinta caqliga badan ee Smart-ka, waxaa adduunka, taclliinta waxaa kaalinta koowaad qaatay Finland, waxayna tartamaan Koonfur Kuuriya, markaa waxaa la isbarbardhigay habka waxbarashada Filand iyo Mareykanka, farqigii waxa uu noqday in Finlad marka ay dooneyso iney macallin qaadato 10 qof ee macallinimada doonaya mid baa hela, markay Mareykanka 10 qofi macallinimo soo doontaan 9baa hela, taasi waxay ku tusinaysaa in Finland uruursato dadka Talent-ga ah.”

Ugu dambeyn, Faysal Cali Waraabe, murashaxa xisbiga Ucid ayaa ah kan kaliya ee illaa hadda ku dhawaaqay miisaaniyadda aadka u heerka sarreysa oo u qoondeeyeen kobcinta waxbarashada Somaliland, waa haddiise uu ku guuleysto doorashada oo ay hadda inaga xigaan muddo labo bilood ka yar.

Maandeeq FM

Related Articles

Close