WararkaWaxbarashada

Gaalkacyo: Dibadbax Nabadeed oo Si Wadajir ah ay U Qabsadeen Ardayda Iskuulaadka Gobolka Mudug

Qaar ka mid ah ardayda wax ka barata magaaladda Gaalkacyo ee ka soo kala jeeda dhinacyada Puntland iyo Galmudug ayaa dhigay dibad bax nabadeed oo ay ku dalbanayeen in la xoojiyo Nabad kuwada Noolaashiyaha Gobalka Mudug.

Banaan Baxan oo lagu muujinayey nabad ku wada noolaashiyaha nabadda ayaa waxaa ka qeyb galay boqolaal arday ah kuwaas oo wax ka barta Iskuulada kala gedisan ee ku yaallo magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug bartamaha Soomaaliya.

Ardayda banaan baxa dhiganeysay ayaa waxay ka soo kala jeedaan maamullada Puntland iyo Galmudug oo in muddo ah ku dagaalamayey Gaalkacyo,waxayna ardadaan ay codsanayeen in la xoojiyo deganaashaha iyo nabadda magaalada.

Dibadbaxa ayaa waxaa soo qaban qaabiyey ururka is dhexgalka dhalinyarada oo dhawaan laga dhisay Gaalkacyo iyadoo ardadu ay socdaal dheer ku mareen wadooyinka waaweyn ee dhex bartamaha magaalada Gaalkacyo.

Waa markii ugu horeesay oo si wadajir ah ardayda wax ka barata Magaladda Gaalkacyo ay dhigaan Dibadbax  nabadeed waxaana ammaanka goobaha uu ka dhacay sugayay ciidamada isku dhafka ah ee loo xilsaaray ammaaanka.

Maandeeq FM

Related Articles

Close