WararkaWaxbarashada

Safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho oo Xayaysiinaysa Minxo Waxbarasho oo Gudaha UK ah

Safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho ayaa ku dhawaaqday iney furan tahay minxada caalamiga ah ee ay dowladda UK bixiso ee la yiraahdo  Chevening, waa minxo lacag la’aan ah oo heersare ah, laguna baranayo hoggaanka, waxbarashada waxaa lagu soo qaadanayaa gudaha dalka UK.

Bayaan ay soo saartay safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho ayaa lagu sheegay : “Minxadan aan bixineyno waa mid ka mid ah waddooyinka aan ku xoojineyno xiriirka labada shacbi ee Soomaalida iyo Britishka.”

Afartii sanno ee lasoo dhaafay 25 qof oo Soomaali ah ayaa fursad u helay minxadan oo ka faa’ideystay, isla markaana waxaa la geeyay dalka UK si ay halkaa wax ugu soo bartaan, waxayna hadda ka qeybqaadanayaan dhismaha dalka, waa sida ay safaaraddu sheegtay.

Hadaba,  haddii aad rabto oo aad leedahay kartidii iyo aqoontii loo baahnaa, waxaad codsan kartaa minxada Chevening inta ka horreysa  November,7,2017.

Wixii faahfaahin ah oo intaa dheer oo ku saabsan minxada kala xiriir website-ka www.chevening.org/apply 

Maandeeq FM

Related Articles

Close