TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

Sideed Qof Kale Ugu Oglaan Kartaa Inuu Furto Gmail-kaaga Adigoon Siin Password

Mararka qaar qofku waxa uu u baahan yahay inuu dadka qaar u ogalaado iney E-mail-kiisa gaarka ah isticmaalaan si ay document gaar ah ay ugala baxaan, laakiin mushkiladda ayaa ah iney adag tahay inaad Password kaaga siiso, taas oo ay dhici karto inaad isla Password kaa u istcmaasho baro kale oo muhiim kuu ah.

Hadaba, shirkadda Google ayaa soo saartay hab cusub oo kuu ogalaanaya iney dadku gmailkaaga kula isticmaalaan adigoon password kaaga siin.

Habkan cusub ayaa qofka u suurtogelinayo inuu E-mailkaaga uu furto isagoon wax password ah kaaga baahan, waxaana la yiraahdaa ‘Gmail Delegates‘ oo ciddii aad doonto aad ku casuumi karto gmailkaaga gaarka ah, dad gaaraya 10 qof oo e-mail gaar ah leh iyo 25 qof oo gmailka shaqo wadaagga ah aad la adeegsan karto.

Dadkan aad ku casuumayso E-mailkaaga gaarka ah, waxaa u suurtogalaysa iney farriimaha akhriyaan, ka dhex diraan, farriimaha qaarna ay masixi karaan, laakiin edit kuma sameyn karaan password ka ma bedeli karaan.

Qaabka loo howlgalayo

Gmail-kaaga furo oo gal sida aad ku arkayso sawirka hoose

 

Gal Settings kana dooro Accounts and Import

 

 

Kalimada “Grant access to your account” ka dooro Add another account

 

 

-Dooro in qofku farriimaha uu akhriyo la calaamadeynayo iyo in kale

-Intaa ka dib gelin E-mailka qofka aad dooneyso oo xaqiiji

-30 daqiiqo ka dib qofka waxaa gaareysa farriin, kadib qofka aad wakiilaneyso farriimo ayuu ka diri karaa e-mailkaaga isagoo adiga iska dhigaya.

Sideed qofka ugala noqon kartaa fasaxii aad siisay ee dhanka e-mailkaaga gaarka ah

Marka aad go’aansato inaad qofkaa e-mailkaaga gaarka ah  saarto, tallaabooyinkan hoose qaad:

Gal Gmailkaaga kadibna inbox fur, waxaad ku arkaysaa e-maillada kula isticmaala, kadib qofka aad doonto ka tirtir oo ka saar.

Maandeeq FM

Related Articles

Close