DugsiyadaWararkaWaxbarashada

3 Caalim oo Reer Mareykan ah oo Ku Guuleystay Abaalmarinta Nobel Prize-ka Physics-Ka 2017

Saddexda caalim ee kala ah Rainer Weiss, Barry Barish iyo Kip Thorne ayaa ku guuleystay si wada jir ah abaalmarinta Nobel Prize ee physics-ka 2017.

Culumadana ayaa waxay daaha ka rogeen cilmi cusub oo ku saabsan dhanka hirarka gravitational-ka ah oo uu horey u sii saadaaliyay in la heli doono Albert Einstein qarni ka hor.

Akademiyadda Nobel oo bayaan soo saartay ayaa xustay “Shaygan cusub ee culumadani ay daahrogeen, waa arrin dunida ku cusub, waxaanuu albaabada u furayaa jiritaanka dunyo kale oo ilmaqabi ah.”, waxay intaa sii raaciyeen “Hanti farabadan ayaan u ballanqaadaneynaa cidii soo hesha isla markaana tarjunta mowjadahaa gaarka ah ee ay culumadu daaha ka rogeen.”

Waxaa xusid mudan, in akaademiyada bixisa Nobel Prize ay shalay ku dhawaaqday Nobel-ka caafimaadka 2017 ay ku guuleysteen saddex caalim ee reer Mareykan Michael W. YoungMichael Rosbash iyo Jeffrey C. Hall, waxay soo hindiseen waxyaabo yaryar oo ilmaqabati ah oo saameyn ku leh saacadda biological-ka aadanaha, taas oo tilmaameysa habka jirka aadanuhu ula qabsado wareegga dhulka.

Maandeeq FM

Related Articles

Close